W/Q Mr: Hamud Husein Ducaaleh (Ducaale). Ku Ardayda somalida ah
In ASossa University
Dheef baad ka heshaa
DHEEF BAAD KA HESHAA Subagii cilmiga laga lulay bay sare u heensheenee Raguse hooyo soo wada mar oo aabo loo sumadiye Sideenaa sagaal lagu dhalee inagama sidig waynayn… (Abwaam Cabdilaahi Suldaan (Tima-cade) “AHUN”).
Qalinkaa wax suureeya Kugu sima halkaad doonto Saaxiib kal furan weeyi Sunto faro ku hayntiisa DHEEF BAAD KA HESHAAA W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) Waligaa ha siidaynin. W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH) I (Abwaan Hadraawi).
Mahadnaq: Waxaa marka hore mahad iska leh Allaha (swt) awooda leh kaaso inasiiyay garashada iyo caqliga han kaga duwanahay makhluuqa intiisa kale, waxa marka labaad mahad iska leh dhamaan ardaydii somaalida ahayd ee jaamacada Assosa University gaar ahaan Shakhsigii lahaa fikir ka guud ee ah in laqoro buugan lamagax baxay DHEEF BAAD KA HESHAA ,Eng Da’uud Abdi Liibaan oo ku magac dheer (Deeq), da,uud runtii waa shakhi jecel horumarka dalka iyo dadkiisaba waxa uu marwalba ku dhiirigaliyaa ardayda horusocodka iyo dadaalka waxbarasho. Waxa kaloo mahad u celinaynaa Gudoomiyaha ururka ardayda somaalida ah ee jaamacad Assosa University Maxamed Cabdiraxmaan. waxa kaloo aan u mahad celinayaa qaar kamida wasiirada maamulka suuban ee DDSI, wasiir ku xigeenka xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga ee DDSI, Dr: Guuleed Aw Cali Kaahin iyo wasiirka Cilmi-baadhista Dr: Suldaan Wali oo runtii dhiirigalin dheerada aan ka helnay, xiligaa oo ay ku jireen hawlo shaqo nagu soo buuqday jaamacada ASU iyo dhamanba ardayda soomalida ah oo codsatay buugan. Waxa kaloon u mahad celinayaa waalidiintayda iyo walaalahayga aan aad ka u jecelahay dhamaantood oo aanan ku sookoobi Karin qoraal ahaan, waxaa kaloon u mahad celinayaa dhamaanba shaqsiyaadkii igacan qabtay nidaamkayga waxbarasho dugsi sare illaa heerka jaamacada, kuwaso hoo iyo hiil, dhiirigalin aan ka helay una sabab ahaa inaan siiwato waxbarashadayda, ha ugu horeeyo adeero Dr: Mohamed Isak yusuf (maxamed-sacad), Dr: Mubarik Muxumed Maax, Xuseen Xaamud Faarax (xuseen xabashi), Mr: Kayd Aw Muuse Abdi, Maxamed Badri yuusuf, Mustafe Ibrahim Yoonis, Cabdikariim Mahad Muxumed (karaye), Xuseen Haybe Maygaag, Dr: Muxiyadiin Jibriil Muuse, Ahmed Maxamed Muuse, Cabdilaahi Yuusuf ( Tog-wajaale hotel owner), Sayid Abdi Abaas (sayid-caanoole), waxaan leeyahay jazakalaha khyran kaalinta aad iibuuxiseen. Waxa kaloo xusid mudan asxaabtii aan dhiirigalinta dheeraad ka ah ka helay, waa Prof: Abdirahmaan Aw Muuse Abdi (awliyo), Abdirahman Aw Muuse Muxumed (yamani), Mohamedkeder Abdirahman Maxamuud (khookho), Fu’aad Abdiqadir Maxamuud, Nimcaan Kaamil Nuur, Sheekh Cabdicasiis Cabdilaahi, Cabdilaahi Cabdi Xasan, Hibo Ahmed Gooraan, Zakariye Cumer Nuur, Xamse Maxamuud Cabdi (X.dhagax) iyo dhamaanba asxaabta kale ee aanan halkan ku soo koobi Karin.Waxa ka loo mahad iska leh dhamaanba waalidiinta soomaalida hooyo iyo aababa ku waaso markasata ku dadaala sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen korinta iyo kobcinta u badkooda. Waxa kaloo iyaguna xusid mudan maamulka suuban DDSI oo runtii dhiirigalin marwalba la garab taagan ardayda ku jirta jaamacadaha, marka ay soo qalin jabiyaana sida ugu haboon u shaqaalaysiiya iyagoo si cadaalada iyo cadcadaan leh u hawlgaliya ardayda soo dhamaysata hayaanka iyo geediga waxbarasho. DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) II
Tusmada buuga:
Mahadnaq: ............................................................................................................ ii Tusmada buuga:..................................................................................................iii 1. Hordhac: - ........................................................................................................................1 1.1 Sababaha Keenay in La Qoro Buugan. .......................................................................2 1.2 Ujeedooyinka Guud Ee Buugan (Genaral objectives). .................................................3 2. Dheefta Cilmigu Ha ku Dhaxalsiiso Garasho. ............................................................4 3. Tiiri Kaalintaada:.......................................................................................................7 4. Adigaa Masuul Iska ah: .............................................................................................9 4.1 Qiimo Uyeel Noloshaada: - ...................................................................................10 5. Astaamaha Guusha:................................................................................................11 6. Muuqaalka Maskaxeed Ee Mustaqbaka Fogi Waxa uu kugu Guusha.
Hogaamiyaa Wadada 13
7. Maaraynta Warwarka/Walalka (tension): -............................................................15 8. Qaabkee Ayaan Uga Guulaysan Karnaa Imtixaanaadka: - ......................................16 9. Maaraynta Wakhtiga: - ...........................................................................................18 10. Qaabkee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta: ......................................20 12. Baro Talaabooyinkan Muhiimka Ah. ..................................................................... 24 13. Qaabkee U Doorataa Takhasuskaaga Waxbarasho: .............................................26 14. Iska illaali Dhawaaq Gudeedka Taban (inner negative voice): .............................28 15. Hadii Aad Tahay Arday Raac Sharciyada Jaamacadaada u yaala ....................... 29 16. Maansada Tiirikaalintaada: ..................................................................................31 17. Maansada Ardayohow Dugsiga dhigo ..................................................................31 18. Faahfaahin kooban oo ku saabsan qoraaga:.........................................................32
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) III
1. Hordhac: Buugan lamagac baxay “DHEEF BAAD KA HESHAA” Waxa qoray Xaamud Xuseen ducaale oo ah arday kamida ardayda soomaalida ah ee DDSI kaaso kasoo baxay jaamacada (Assosa University) ee ku taala dalkeenan Ethiopia gaar ahaan kililka lixaad (06) ee qoomiyada Bishangulgumuz ka. Buugani sida ka muuqata ciwaan kiisaba waxaa u sharaxayaa dheefta iyo faaiidada laga helo barashada cilmiga iyo aqoonta, waxa uu xanbaarsanyahay buugani xikmad iyo waayo aragnimo badan oo la ururiyay taaso si faahfaahsan u qeexi doonta dhinacyo badan oo ku saabsan nolosha aadamaha gaar ahaan, hayaanka iyo geediga wax barasho ee uu ardaygu maro marka uu ku gudo jiro wadadaa dheer ee heerarka waxbarasho laga bilaabo dugsiga dhexe illaa heer jaamacadeed. Hadaba inta uu ku gudo jiro ardaygu hayaankan iyo geedigan ka midhadhalinta hadafkiisa waxbarasho waxaa uu wajahaa oo ka horyimaada (challenges) ama carqalado ku waasi oo dhaawaca hakadna galiya himiladii, hadafkii iyo gool(goal) kii uu lahaa ardaygu, taasoo sababta inuu dhamaanba ka hadho wadadii waxbarasho. Waxa uu buugani si qoto dheer uga hadlayaa cabadaha ardayga ka horyimaada iyo waxyaahabaha sababa, sida looga gudbi karo, waxa uu talo iyo tusaaleba siinayaa ardayga galaya jaamacada (fresh time) ka xigilgani oo ah xiliga ugu adage ee ardaygu ugu baahibadanyahay in wax loosheego lana tilmaamo. Waxa uu buugani si buuxda u qeexayaa xeerarka iyo qawaaniinta u dajisan dhamaanba jaamacadaha dalka, xeerarkani ayaa noqon doona kuwo u sahla ardayga inuu sifudud u fahmo nidaamka waxbarasho ee jaamacadaha. Guul iyo guul daraba waa laba shay oo dabiiciya oo Alleh (swt) abuuray, ruuxii dadaalana Eebe ma qadiyo dadaalkiisa, hadaba waxa uu buugani ka waramayaa qofka ku guulaysta wadadani faaiidada uu cilmigu dhaxal siiyo. Waxa kaloo buugani ka waramayaa dhinacyo badan oo khuseeya nolosha ardayga xiliga uu ku jiro jaamacada bilowga illaa dhamaadka, waxa uu u qaybinayaa cabadaha ka horyimaada ardayga laba dhinac. Kuwo dhinaca haynta ah iyo kuwo looyaqan isku buuq (tension) oo ay sababto waxbarashada oo adkaata, Ku waasi oo kusoo gudbinayo sheekooyin iyo qaab farshaxanimo. Waxaa kale oo u xog buuxda kaa siinayaa nidaamka sharciyada u dajisan jaamacadaha iyo inaad illaaliso oo aad dhawrto, kaaso ah mid dhaxal gala talo iyo tusaale unoqonaya arday kasta oo galaya jaamacad. Waxa aad buugan ka faa’iidaysan doontaa qaabab kala duwan oo wax loo akhriyo, nidaamyada loo maro guusha, sidaad u dhisanlayd jadwalkaaga nolol maalmeed, sidaad isku waafajin lahayd culuumta tan maadiga ah iyo tan xaqa ah (waxyiga iyo sunada xaga Alleh (swt) ka yimiday.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 1
1.1 Sababaha Keenay in La Qoro Buugan. Waxa marag ma doonta ah in markasta oo arday jaamacad lagu soo qoro inuu la kulmo dhibaatooyin aad u fara badan oo dhinacyo badan leh, khaasatan marka ugu horaya marka uu ardaygu jaamacada galo soo wajaha. Ku waasi oo sabab inuu ardaygu ka hadho jaamacadii iyo dhamaanba nidaamkii waxbarasho iyo dadaalkii uu mudada soo waday, si looga gudbo taa waxaa fikir kan soo jeediyay mid ka mida aradayda Jaamacada Assosa Eng Da’uud Abdi Libaan (Deeq) in la qoro buugan si loogu gudbiyo jiilka ama dhalinyarada inaga danbaysa khibradii iyo waayo aragnimadii aan ka dhaxalnay xiligii aan ku gudo jirnay nidaamka wadada waxbarasho. Waxa kaloo ka mida kadib markii aan u kuur galnay dhalinyarada deegaanka waxaan ogaanay in carqaladaha ugu badani ay tahay ayagoo jaamacadaha ka aaminsan meel aanay Diin oolin, dhaqan xunmo, gaajo iyo waxyaabo kaloo cadaab ahi ay jiraan, cuntada oo aanay la qabsan Karin. Intaas aan soosheeganay oo dhan waxaan u aragnay in ay tahay mar-mar siiyo iyo waxaan jirin ka dib markii aan daraasaynay wakhtina ku qaadanay jaamacadii aan dhiganaynay. Wax yaabahaso dhami waxay keeneen dib u dhac ku yimid dhamaanba ardayda soo maalida ah ee ka soo baxda school lada sare ee deegaan ka kuwaasi oo aad uga gaabshay inay buuxiyaan kaalintii ay ku lahaayeen dhamaanba deegaanka iyo dalkaba fikiro qaldan oo ay aaminsanyihiin awgeed abwaan soomaaliyeed ayaa waxa laga hayaa “Ragow kibirka waa lagu kufaa…’ abwaan cabdilaahi suldaana (tima-cade) (AHUN) waa kii lahaa;’ ‘wadaadow hawl yaraan laguma helo waxaan cidi ku hawshoonee naftaa loo hantaaqaa waxay hiigso leedahay’. waxaa uu tilmaamayaa abwaanku in ay wax waliba dadaal iyo u baahan yihiin Samir ee wax bilaash lagu helaa uusan jirin ‘waxaa layidhi riyahaa iyagoo cuudka dhulka saran arkaya ayay kan sare laacaan, faan iyo kibir awgeed dabada banana ma dadan karto sidaas oo kale wax ka dhigan dhalinyaradeena, waayo iyagoo arkaya waxbarasho lacag la’aana ayay u fakiraan mid lacaga iyo tahriib taasoon diinteena iyo dhaqankeena toona ku wanaagsanayn caqliga saliimka ahi diidayo Waana israaf (extravagance). Si aan taas u joojino ulana tartano qoomiyadaha kale ee wadanka iyo caalamkaba ugana baxno fikirka ay inaga aaminsanyihiin ayaa waxa aan damacnay inaan qorno buugan si aan u dhiiri galino kuwa naga danbeeya ee dhamanba jaamacadaha dalka iyo deegaankaba.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 2
1.2 Ujeedooyinka Guud Ee Buugan (Genaral objectives). Ujeedada ugu muhiimsan ee buugani waa sidii kor loogu qaadi lahaa dhamaan horumarka ardayga soomalida ah ee dhigata jaamacadaha dalka, si loogu gudbiyo fikirkii iyo waayo aragnimadii laga dhaxlay ardaydii ka horaysay. Waxa kaloo kamida ujeedooyinka: In ardayda soomalida ah laga saaro tuhunka iyo fikirka qaldan ee ay ka aaminsan yihiin jaamacadaha dalaka, loona sheego inaan wax adagi jirin e wax waliba ay u baahan yihiin dadaal iyo Samir. In la tuso ardayda laguna dhiirigaliyo in ay tartami karaan oo ay lamid yihiin dhaamba qoomiyadaha kale ee dalkeena iyo deegaankaba. In la tuso in uu ardaygu kaalin uu ku leeyahay bulshadiisa, dalkiisa iyo deegaankiisaba, lana tuso oo lagu dhiirigaliyo ardayda in ay jiraan wadooyin kale oo lagaga gudbi karo dhibaatooyinka soo food saara xiliga ardaygu ku jiro geediga iyo hayaanka waxbarasho. In ardayga la tuso qaabka iyo wadiiqooyinka wax akhriska iyo qaabab ka loo samaysto jadwal nolol maalmeed kaaso kaalin muhiima ka qaata horumarka ardayga iyo noloshaba. In lagu dhiirigaliyo dhalinyarada kaalinta ay bulshadooda ku leeyihiin iyo qiimaha dhalinyarnimo.
Muhiimada ugu balaadhan ee buugani waa dhiirigalin in dhalinyaradu fahamto faa’iida akhriska, waxaanu awooda saarayaa wadooyinka iyo qaabab ka wax loo akhriyo, guusha iyo wadada loo maro, guud ahaan cilmiga iyo dheefta laga dhaxlo, isagoo u isticmaalaya ciwaanada si maqaal ahaana. Afeef; waxaan ka cudur daaranayaa aniga oon ahayn qoraa hadii aan wax qaldo dhaliishu waa xagayga, wixii aan saxayna Allah (swt) ayaa iwaafajiyay. Wixii sixid iyo dhaliil ah iigu sohagaaji ciwaankan: Xaamud Xuseen Ducaale (ducaaleh) E. mail:
[email protected]
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 3
2. Dheefta Cilmigu Ha ku Dhaxalsiiso Garasho . Aqoonta iyo waayo aragnimadu waa dheefta iyo midhaha laga goosto barashada cilmiga. Cilmiga ama aqoontu waa sheyga kaliye ee aadamaha haga kuna gaadhi karto guul adduunyo iyo mid aakhiraba, waa wada iyo tooshka u iftiimaya noloshiisa, kuna dhiso mustaqbalkiisa iyo aayaha bulshada uu la noolyahay. Jahliga ama aqoon darradaduna waa cudur xun, kaas oo kuu horseedi kara in aad ka hadho bulshada inteedii kale. Cilmiga iyo aqoonta siyaabo badan ayuu qofku ku helaa, ha ahaato mid maadi (schooling system), mid waayo aragnimo iyo kan ugu qiimaha badan ee waxyiga Alleh (sw), quraanka kariimka ah iyo sunada, axaadiista ah mid sharciya waajibna ku ah qokasta oo aadama ah, sidaad doonto ku heloo wax la isku waafaqsanyahay in aqoontu faa’iido dhaxalsiiso aadmiga haba yaraate. Cilmiga faa’iidada leh adduunka isagaad ku heshaa magac iyo sharaf, Akhirana isaga ku gaadhsiin kara Jano, waayo Cilmiga sharciga ah dadka leh waa ka Illaahay u dhaweeya, ugana marag kaca in ay Illaahay si dhab ah uga baqaan. Illaahay ayaa quraankiisa ku yidhi “miyey siman yihiin qof aqoon leh iyo qof aan aqoon lahayn.” Qofka aan cilmiga lahayni ma aha qof meel fog wax ka arka laakiin qofka aqoonta leh meel fog ayuu wax ka arkaa oo ka saadaalin karaa. Waxaa kaloon isku waafaqsanahay in aqoon la’aani ay tahay iftiin la’aan, dhamaan dadka dunida ku noolina waxay kukala suganyihiin xaalado aad u kala duwan dhanka nolosha ah, sidoo kale waxaan oganahay in dunida maantu u qaybsantahay qaybo ku waaso ku kala duwan waxkasta. Wadamada dunida horeumartay iyo ku dib u dhacay waxa kala fogeeyay waa waxbarashada iyo dhanqaalaha taasoo ay uga faa’iidaysteen qaabkii loobaahnaa. Sida ku cad odhaahdii Allaha u naxariistee abwaan Cabdilaahi suldaan (Tima-cade) waxa uu yidhi subagii cilmiga laga lulaybay sare u heensheene Raguse hooyo soowada mar oo aabo loo sumadiye Sideenaa sagaal lagu dhalee inagama sidig waynayn. Wuxuu tilmaamayaa in wadamada horeumaray ay dhaxleen oo ay dhadhamiyeen faa’iidada cilmiga iyo aqoonta isagoo ka markhati kacaya in ay dadaaleen, wadama aadka looga qadariyo waxbarashada waxay gaareen horumar la taaban karo halka wadamada aan laga danayn waxbarashada ay yihiin kuwa aad u danbeeya marka dhinac kasta laga eego. si la mid ah sidaas waxaa aad ku kala duwan dadka waxbarta iyo kuwa aan marna qiimayn waxbarashada. Waana dunida hormartay iyo dunida danbaysa. xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay sidaas ayaa ah waxbarashaduna ay ugu kaladuwan yihiin wadanba wadankale ugu duwanyahay. Aqoontu waa sheyga kaliya ay dadku ay ku horumari karaan waxana lagama maarmaan ay u tahay nolosha beni’ aadamka marna masimano qof aqoonle iyo qof aan aqoon laheyn. DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 4
Waxbarashada waa aasaaska nolasha waxaana lagama maarmaan ah inuu qofka waxbarto si uu u noolaada, waxaad ka dareemikartaa xaalada miyiga dadka kunool waxaa waalidka caruurtiisa uu baraa ugu yaran sida wax loo tacbado ama xoolaha loo raaco maxaa yeelay waxay cadaynaysaa in uusan qofka noolaankarin ilaa uu waxbarto wuu noolan kara laakin ma ahan mid uu asaga ku qanacsanyahay noolashiisa. Qofku wuxuu nolol sharaf ah oo farxad ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo. sidoo kale dal wuxuu ku horumari karaa oo kaliya marka ay jiraan dadkii horumarin lahaa, dadkuna waxba ma ay qaban karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku horumarin lahaayeen, waana taas sababta kaliya ee dalalka dib u dhigtaa. Faa’iidada ay waxbarashada u leedahay qofka bani aadamka ah ma ahan mid lagu soo koobi karo qoraal iyo wax la mid ah. Sidoo kale waxaan si fudud u sharixi karnaa si ay dadku ay u fahmaan qiimaha ay leedahay aqoonta waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in ay tahay horumar dhinackasta ah, khaastan dhinaca maskaxda oo ah runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku heli karo. Dhamaan noocyada kale ee hormarka waxaa sal iyo asaas u ah horumarka maskaxda. oo hadii la waayo ay aad u adkaan doonto in lagu riyoodo wax uun horumar ah. Aqoondarida ama jahliga ayaa ah cadowga ugu wayn ee uu qof yeelan karo inta uu noolyahay, jahligu wuxuu qofka u diidaa markasta in uu ka fakaro waxa dantiisa ah, sidoo kale aqoon la’aantu waxay dadka dhaxalsiisa in ay garan kari waayaan siyaabaha fudud ee loo noolaan karo. Markasta oo uu jahligu bato waxaa aad u adkaada nolosha, sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlo aqoon la’aanta waxa ugu daran in dhamaan dadku ay ku mashquulaan wax aan marnaba dan ugu jirin, sida in lagu xiiqo wax aan la fahamsanayn. Hadii aad u kuur gashid dhamaan dalalka gaaray horumar la taaban karo, waxaa kuu soo baxaya in ay waqti iyo hanti badan galiyeen sidii ay wax ku baran lahaayeen. tusaale ahaan dalkeenan Ethiopia wuxu awooda saara waxbarshada isagoo jaamacadaha iyo school ladaba bilaash ka dhigay taasi waxay dhaxalsiisay in dadkiisu aad u qadariyaan aqoonta, waana taas sababta ay Ethiopia u noqotay mid kamida dalka ugu horumarsan dhinaca waxbarashada geeska Afrika. Akhriste waxan is waydiin karaa waxbarasho noocee ah ayaa lagu hormari karaa, hadii aan si fudud uga jawaabno su’aashaas waxaa malaha lagu soo koobi karaa in nooc kasta oo waxbarasho ah ay kaalin wayn ka ciyaari karto horumar ka dhankasta oo aynu u baahanahay. Hadaba waa in aynu ku dadaalnaa ubadka, dhalinyarada iyo qofkasta oo rabo inuu waxbarto waa in lasiyaa fursad ay ku baran karaan cilmiga ay markaas jecelyihiin in ay bartaan ama maadooyinka ay ku fiicanyihiin.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 5
Waxaan kaloo dhihi karnaa hormarka ugu muhiimsan ee uu qofku ka dhaxli karo waxbarashada ayaa ah xoriyad xaga maskaxda ah qof kasta oo aqoon leh waxuu sameen karaa fakir uu u madax banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidato uu ku tiirsanyahay. Marwalba fikirka ama aragtida dadka kale. Sidoo kale qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad horumarin karta nolosha dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed. Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisa kalsooni buuxda, kasloonidana waxay qofka u fududaysaa in uu si hagaagsan u guto waajibaadka ka saaran nolosha. Sidoo kale aqoon la’aantu waxay ku beertaa nafsada qofka in uu ka baqo wax kasta oo ku cusub noloshiisa, taaso mararka qaar laga yaabo in uu kala horyimaado waxkasta oo horumar keeni kara diidmo iyo baqdin is barkan, fariinta ugu wayn ee ay aqoontu xanbaarsan tahay ayaa ah isbadel dhinac kasta ah oo taabanaya qaabka loo noolyahay markaas. Markasta oo ay aqoontu kororodho waxaa badanaya isbadalka xaga nolosha ah. Markasta oo uu isbadel jiro waxaa fududaanaya in la horumaro. Aqoonta ama waxbarashada ayaa ah hanitida kaliya ee ay da’ayerta dhaxli karaan si ay u sii horumariyaan nolosha markaas lagu sugan yahay. Hadii ay dhalinyaradu dhaxlaan jahli ama aqoon daro waxaa mugdi aad u wayn galaya mustaqbalka iyo horumarka aan hiigsanayno. Aqoontu waxay dhistaa guri aan tiir laheyn jaahinimada ama aqoondaridu waxay bur burisaa guri sharaf iyo barwaaqo ay kunool yihiin dadkiisa. Ugu danbeentii waxaan idinleeyahay aqoontu waa iftiin ama nuur jahligu waa mugdi aynu ku daadaalno waxbarashada si aynu ugaarno horumar looriyaaqo iyo bulsho caafimaad qabta.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 6
3. Tiiri Kaalintaada: Qofkasta oo bali aadan ahi waxa uu nolosha ku leeyahay kaalin muhiima dhinac kasta, illaalinta diintiisa, naftiisa, dalkiisa iyo dhaqankiisaba, hadaba inagoo ku salaynayna ujeedada mawduuca buugeenan waxa si qoto dheer u sharixi doonaa kaalinta dhalinyaradu ku leedahay bulshadeenan. Dhalinyaradu waa meesha kaliya laga qaato miqyaaska jiritaanka umadeed, hadii umadaasi dhalinyaradeedu tahay kuwa buuxiyay kaalintii looga baahna bulshadooda, oo ay dhalinyaradasi noqdaan kuwa u fakira dhinaca fiican iyo horumarka, illaalinta diindooda, dhaqankooda, dadnimadooda, jiritaankooda, ka qayb qaadashada technologiyada iyo tartanka wax barasho waxaa layidhaa umadaasi jiritaankeeda iyo mustaqabalkeedu waa mid rajo fiican leh. Dhalinyarada iyo mustaqbal ka ummad kastaaba waxay leedahay madal iyo meel laga maamuuso dhaqankeeda iyo jiritaankeedaba, hadayna taasi jirina waxaa suuro-gal ah walibana hubaal ah, in ay noqoto umad habawsan oo halaysan kuna dhex milanta si fudud umadaha kale, dhalinyarada ayaa laga miisaamaa umada jiritaankeeda iyo hoogeeda. Haday dhalinyarda iyo ardaydu ay yihiin dad ifafaale wanaagsan leh oo tarminaya hadafkooda iyo hiigsiga ay leeyahiin, qadarinaya aqoonta iyo asluubta suubban ee ay leeyihiin waxa lahubaa in ay horumar gaadhayaan, buuxinayaana kaalintii looga baahna. Hadiise ay xiiseeyaan dhaqanada aan bulshadooda u fiicnayn iyo diintoodaba, sida qaadka iyo sigaarka, qabyaalada, ku dayashada dhaqadama kale oo ay ka jeestaan tacliinta iyo dhaqankooda, asluunta iyo ashaxa waxa la filayaa in ay umadaasi qarka u saarantahay baaba’a iyo balanbal bulsheed. Waxaana taa ka markhaati kacday taariikhda aan bukoon beentana sheegin. Waxa jira hadaba waxyaabo dhiiri galiya dhalinyarada oo ku hogaamiya wanaaga iyo waxqabadka si ay u buuxiyaan kaalintooda, waxaana ka mida in ay helaan dad wanaagsan oo ay ku daydaan (role model) ah, kana dhigtaan muraayadii ay isku eegi lahaayeen. Waxan hadaba soo jeedinayaa in ay dhalinyaradu noqoto kuwo ka dhisan caqli iyo cilmi ahaanba, isku booriya inay fikiradooda fayaw falgalaan dabadeedna ay soo tuujiyaan nuxurka figradeed ee ay ka heleen maan kooda iyo waayo aragnimadooda ayna u gudbiyaan bulshada inteeda kale. Hadii intaa laga helo dhalinyarada iyo ardayda waxa la hubaa in dhalinyardu noqon doonto dad taariikhdu xusto oo laguxardho qalimaan iyo saxfado kala duwan. Qofku waxaa uu wax tari karaa marka uu tiisa habeeyo “tiisaba daryeelaa tu kale ku dara” waa odhaah soomaaliyeed, marka uu qofku garto wacyiga iyo waayaha ku xeeran sidii uu u latacaali lahaa, ee uu u la saanqaadi lahaa waayaha bulshada ku xeeran, sidaa daraadeed waa qaaciido kugu ridi karta tubta toosan, illaasho wakhtigaaga, oo xisaabi saacad kasta, miridh kasta iyo ilbidhiqsi walba waxaad faa’iidayso, ku noqo wakhtigaaga bakhayl, maskaxdaada iyo maan kaaga ku hayn sidii ay dadkii adduunkan badalay ku ahaayeen wakhtiga. Waxkhtigu waa waxa kala saara dadka kan geesiga ah iyo kan habayaca ahba, waayo wakhtigu waa nolosha, qofka fahmaana nolosha ayuu fahmay. DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 7
Hadaba dhalinyarada waxaan leeyahay hadii aduunka wadan kasataa taariikh baal ka galay, waxa timid xiligii aan ka gali lahayn baalka dahabiga ah ee isku diyaariya oo barta qaabka aan ula loola manayno, ula tartamayno wadamada horeumaray sahayduna waa adiga oo buuxiya kaalinta aad ku leedahay bulshadada cilmiga iyo dhabar adayga oo lagu daro hawkarnimo iyo dadaal aan la hagranayn. Dhalinyarooy waa idinka manta cida laga sugayo in ay wax bartaan, badalaana waalid kooda iyo horumarka dalkooda iyo diintoodaba. Qofna kama marmo in wax loosheego walaw caalim kasta ahaw woo markaa buugani waxa uu dhiiri galinayaa dhamaanba dhalinyarada u fikirta dhinaca fiican (positive) ka ah. Erayo ka mida maansada galiilyo ee abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (weedhsame): wuxu yidhi: Qofbaad tahay guri yagleela Qofbaad tahay gaar ahaantii Ku gaajo baxoo is keena Gankaa kuma dheero caaro… waxaa uu tilmaamayaa in qofkastaaba wax qaban karo horumarna gaadhi karo. Waxa uu kugu dhiirigalinayaa inaad dareento inaad tahay qof jira oo ina Nabdi Aadan (cs) ah, oo wax qabsan kara kaalin kuleh bulshadiisa, hadaba dhalinyaro adaa lagu sugayaa ee tiiri kaalintaada, Halka uu abwaan Cabdilaahi Sulaana uu yidhi … Subagii cilmiga laga lulay Bay sare u heensheene Raguse hooyo soo wada mar Oo aabo loo sumadiye Sideenaaa sagaal lagu dhalee Inagama sidig waynayn… Waxaa uu tilmaamayaa in aan qofna qof caaro dheerayn ee laka dadaal badanyahay. Taa macneheedu waa in wax kaa mancinayaa jirin inaad wax qaban karto buuxina karto kaalintii lagaaga baahnaa insha Allah, dhalinyaro xubno laaban xoolo kuma yimaadane buuxi kaalintaada bulsho, tii waalidkaaga iyo naftaadaba.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 8
4. Adigaa Masuul Iska ah: Sida aan ognahay qofka bili aadanka ahi waxaa uu masuul ka yahay naftiisa, noloshiisa iyo qaab nololeedkiisa sida uu u maaraynayo waxyaabaha soo foodsaara nolosha farxada, murugada, iyo walwalka iyo walbahaarka, waxyaabaha kale nolosha inagoo ku salaynayna ujeedooyinka mawduuca buugeenan dhinaca waxbarashada iyo geediga iyo hayaanka loomaro. Kasoo qaad Waxaad tahay ardy waxaad ku gudo jirtaa wadada waxbarasho waxaa ku saran masuuliyad, si aad u illaaliso waajibaadkii ku saarna waxaa loo baahan yahay inaad ogaato in xil ku saaranyahay adiguna aad masuul ka tahay waxkastoo oo noloshaada ah. Kasoo qaad waxaad tahay arday soo dhamaystay nidaamkii waxbarasho 12 ka sano oo manta jaamacad lagu qoray, si aad usii wadato waxbarashadaada, hadaba waxaa masuuliyadi kaa saarantahay inaad tagto jaamacadii lagugu qoray ama wax u dhigma waayo maanta waa maalintaadii waalidiintaadii way guteen waajibkoodii waxaanay kugu simeen maalintii aad u hiilin lahayd ee ad adigu mustaqbalkaaga dhisi lahayd, waa inaad ogaato in manta maalintaadii ay tahay halka aad adigu manta isdhigto ayuun baad ahaanaysaa, ka kac jiifka oo fuli waajibaadkaaga dhinackasta. Waxa jira waxyaabo badanoo kaa hor istaagi kara hadafka iyo mustaqbalka aad rabto inaad noloshaada ku dhisto, si aad uga gudubto la kaalay samir, dulqaad iyo dadaal dheeraada. Waxa jira waxyaabaha qaar, dadka qaar, dareenada qaar kusoo maray oo kaaga baahan inaad iska sii dayso sababtoo ah waxay kaa hor istaagi karaan horumarka noloshaada. Adigaa masuul ka ah, isticmaal awooda illahay ku siiyay adigoo markasta fiirinaya isna waydiinaya su’aasha ah… maxaan ka faa’iidayaa inaan ku dhaganaado cadhada, cafis la’aanta iyo dareenada negative ka ah, ha u ogolaan in dareenadaasi kaa qaadataan nabada qalbigaaga iyo caafimaadkaaga maskaxeed. Ka fogow dareenadaa si aad uga waynaaato, go’aana uga qaadato wax walboo gadaal kuu celinaya, ma aha wax fufud waxay kaaga baahantahay dadaal iyo marwalba inaad la socoto dareenadada nafsiga ah una fikirto dhinaca fiican (positive) ka. Ogow qofka kaliya ee farxadaad iyo noloshaada masuul ka ka ahi inaad adiga tahay, farxadu waxay ku dhexjirtaa naftaada, adiga ayaa abuuranaya qaabka aad u noolaanaysid. Dooro qof ka aad la saaxiibaysid, cida aad (role model) ka dhigaynso, waxaa aad hiigsanayso, tani waxay kuu suurto galinaysaa inaad noloshaada u madax banaanaato, hadafka iyo goal ka aad leedanahayna aad u gaadho, adigu naftaada la tartan, la xisaabtan waydii maxaa kuu qabsoomay, maxaana kuu hadhsan, yoolkaaga ama goal kaaga inaad garaad kaaga koriso haku dhererin dadka kale, cabirna ha ka dhigan ee isku day inaad adigu ka korodho caqli ahaan iyo cilmi ahaanba. Halkaad manta joogto isku day inaad ka korto oo halkaad manta joogto bari aanad joogin, hadaad dadka kale cabir ka dhigato waxba uma kordhinaysid ee adigu naftaada latartan oo waagii baryaba wax cusub korodhso.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 9
4.1 Qiimo Uyeel Noloshaada: Si’aad u meelayso noloshaada, aamin marka hore Eebihii ku abuuray, aamin naftaada, deegaankaaga, jooji dhaliisha aad dhaliilayso, dalkaaga, naftaada iyo dadka kaleba. Iska illaali inaad dhan kaliya wax ka eegto, noqo qof markasta dhinaca wanaagsan u fikira, iska illaali inaad dhanka xun wax ka eegto, ku dadaal inaad ahaato qof faraxsan, markasata dhoolo cadeeya, sida aad u fakirtid ayaad markasata natijadeeda heshaa. Qofka xuni markasta si xun ayuu u fakiraa, qofka wanaagsana si wanaagsan ayuu u fakiraa. Hadba waxaad ku fikirtid iyo sidaad u fakirtid ayaad tahay ama aad gaadhaysa. Naftaada ka malayso fiicni iyo wanaag, sidoo kale dadka aad la jooto ka filo khyr, ogsoonow waxaad dadka kale ka filato ayay kuu noqonayaan, dadku waxad ka dhigato ayay kaa dhiganayaan, waxayna kuu jirsanayaan inta aad u jirsato, waxaanad ka helaysa waxaad gashato ama aad ka dhigato, sidaad u qiimayso ayay kuu qiimaynayaan. Wanaaji dadka aad taqaano iyo kuwa aanad aqooninba, noqo qof dadka caawiya, dulmigana ka fogaada, hadaanad umada wax taraynin ka illaali dhibkaaga, qofna ha ugu turin waajibka ku saran, waayo adiga ayaa masuul iska ah. Hadaf yeelo hana cadaado hadafkaagu, ogow hadaanad dadaf lahayn ama hadafkaagu aanu kuu cadayn inaad tahay fuliyaha ahdaaf kale isla markaana aad noqonayso xamaali bilaash ku shaqeeya. Ku dadaal inaad adigu kaaga hirgaliso, iska illaali inad dadka liido (xaqirto), waayo waxay tusaysaa inaad tahay qof liita ama hooseeya maskax ahaan. Ku farax horumarada aad gaadhay, isku day inaad marmarka qaar uga sheekayso qofka aad ku kalsoontahay, waayo waxay kaa caawinaysa inaad hore usii socoto laakiinse ha ku fogaanin, waayo waxay kugu sababi kartaa inaad is cajabiso. Iska illaali inaad dadka kale isku ekaysiiso, tani waxay abuuraysa ama tusaysaa kalsooni daro aad naftaada ku qabto, ku kal soonow naftaad oo ku qanac waxa aad adigu tahay ama aad taqaan, qofka aad tahay ayaad ku haboontahay sharafna ku leedahay. Waa hadii hawsha aad ku fiicantahay joogtayso ama aad horumariso, ha cabsanin inaad isku daydo inaad wax abuurto. Isku day inaad qaybtaada ka qaadato horumarka caalamka ka socda iyo kan deegaankaba, isku day inaad noqoto qof wax tarleh (effective) ah, isku day inaad dhaqamada xun xun badasho, isku day nolol cusub inaad tijaabiso, isku day inaad ka wanaagsanaato xaalada hada aad ku sugantahay, isku day isbadal inaad ku dhaqanto, isku day dhanka fiican inaad u dhaqaaqdo, isku day hadalka fiican inaad ficil muuqda u badasho. Ugu danbayn waa inaan garanaa waajibka ina saran, ogaanaa, si aan u miisaano heerka aan marayno ulana socono dhaqamada xun xun si wixii qaldama aan u saxno, had iyo jeer han ku dadaalno ka shaqaynta horuamrinta nafta iyo tan umada, ha dhayalsan hana yaraysan waxkasta oo aad horumar ku gaadhi kartid.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 10
5. Astaamaha Guusha: Inaga oo ku salaynayna mawduuca buugeenan waxan marka hore sharixi doonaa micnaha guud e erayga “guusha’ inagoo is waydiinayna waa maxay guushu? Guushu waa himilo iyo hiigsi aad leedahay oo aad gaadho, mana aha mid ku timaada xaglo laaban, sahal, fikir gaabni, hami yari iyo Samir yaraan toona. Hadaba guushu waa shay cayiman oo la isla yaqaan, laakiin waxa lagu kala tagsan yahay heerka guusha. Qof waxa guul u ah ayaa qof kalena bar bilawga guusha u ah, ufiirso labadan arday isbarbar dhig, mid ahaan hamigiisa u sareeyaa ee waxbarasho waa inuu shahaadada darajada koowaad jaamacada ka qalin jabiyo (ka qalinqorto), hadii uu gaadhana ay uga dhigantahay inuu guul gaadhay, halka ardayga kale hankiisu gaadhsiisan yahay qaadashada darajada jaamacadeed ee ugu saraysa kana aflaxo. Markaa qaadashada shahaadada koowaad waa irridda uu ka galayo hamigiisa sare iyo meesha uu rabo. Guusha waxaa sargooya hanka, hiigsiga iyo humaagyada mustaqbaleed ee uu qofku meel dhigtay. Markaas waxay ka dhigantahay, nin waxa guul u ah ayaa mid kale u ah bilawga hayaanka guuleed ee uu hiigsanayo. Sida caadada ah dadka aad fikir wadaagta tihiin waxay in badan kaaga waramaan guul, hadaba wadada guusha ee qof gaadhsiisay inuu noolado isagoo guulaystay, ayaa qof kale in ay u mari waydo suuro galtahay, waayo waxa jira kala duwanaansho dadka dhexdooda ah. Hamiyada uu qof ku fikirana waxa ugu wayn, inuu guulaysto if iyo aakhiroba, waligaa miyaad aragtay cid leh waxaan rabaa inaan guul daraysto? Mase aragtay cid raadianaysa wada guul darada si ay u guul daraystaan? Jawaabaha su’aalahaasi waa maya, taas iska dhaafe waxa dhacda in dadka qaar baadi goobaan wadada ay mareen kuwii guul daraystay, si ay u ogaadaan ugana leexdaan wadadaa, waxaynu odhan karnaa taasi waxay ka dhalatay baqasho ay ka baqanayaan guuldarada. Dadka badan koodu guul daro way la kulmaan, iyagoo u kala baxa laba, qaar marka ay guulaysan waayaan is dhiiba, nolosha ka dhaca, han iyo hiigsi danbana yeelan, iyo qaar marka ay guuldaraystaan wax ka barta oo ogaada khaladaadka ay ka sameeyeen si ay u saxaan. Waxayna dardar galiyaan dadaalkooda u jihaysan in ay mar uun guulaystaan, dadaalkaasna waxay isku dayaan iyagoo ku yididiiloonaya inay guuli u dhaw dahay. Hadaba, wadada guushu waa ku kalsoonaanta naftaada, dadka aflaxay waxay ku kalsoonyihiin naftooda iyo kartida ay leeyihiin, dhag ha u dhigin dadka dhaqanka u leh erayga “ma kartid” iskugu gee dadaalkaaga hal meel ama hal mawduuc, waxa hubaal ah inaad guul ka gaaraysid. Naftaada ha liidin, wanaajina aragtida aad ka haysato naftaada, waayo hadii aad isla xumaatid waligaa meel ma gaaraysid, waxaad naftaad u sheegtaa inaad tahay nin rageed, karti iyo awood leh wax walbana qaban kara. Ku fikir wax mar walba naftaada u roon, kana illaali naftaada warwarka iyo walbahaarka. hadii aad ku talax tagto fikirka waxa laga yaabaa inaad fikiradaa ka DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 11
qaado kuwo lid ah, ha ku dhererin naftaada dadka kale, siiba kuwa fashilmay, dhag ha udhigin kuwa raba inay fadhiid kaa dhigaan, raadi meelaha aad ku liidato ka dibna iska sax, sidoo kale badh meelaha aad ku wanaagsantahay, dabadeedna xooji meelahaas, yabaalka iyo cabsida aad ka cabsanayno tijaabada wax cusubi waa fashilaad kadinkeed, kaal maysiga Allaah (swt) iyo kalsoonidiisu waa jidka koowaad ee horumarkaaga. Qofka aan qaldamin waligiis waa dadka aan waligood waxba baran, qaabee naftaada si ay u guulaysato, ugana fogaato guul darada soo gaadha, hinqashadu waxay dhaantaa in lagu dul maro adigoo wadhan dhulka, ha is waydiin siday dadku kuu arkaan ee waxaad is waydiisaa seed adigu isku aragtaa naftaada. Laguma qiyaaso liibaanta hanti ama waji, ee liibantu waa hanuunka Alleh (swt) oo lagu haleel siiyo. Dhibkaagu maaha yaraanta waxa aad haysato ee waa dhiiri galin la’aan, hadii aad ku sugantahay mushkilad ha dafirin dhibkaas, waayo hadad dafirto ma xalin kartid dhibkaas. Dadka oo aad yaraysataa waxay ku keenaysaa in adiga lagu caaluqo. Is baro adigu si aad u gaartid yookaaga.
Hadaba waxa haboon in aynu ogaano astaamahan ay leeyihiin dadka nolosha ka guulaysan karaa: Isbeddel: dhamaan dadka raba inay nolosha ka guulaystaan, waxay isku qanciyaan inuu isbedel waajib ku yahay, waxay hoos iyo korba dadka codkoodu uu gaadho ugu sheegaan, in isbeddel loobaahanyahay, waxa mararka qaar dhacda in laguu arko qof qaldan, balse waa wax nolosha ku caadiya, isbadal ka nololeed. Humaag iyo qanaaco: dadka nolosha ka sameeyey horumarku waxay ku qanacsanaayeen, inay gaadhayaan meel ka fiican halkan ay joogaan. Dhamaan waxay madaxa ku haystaan sawir ka turjumaya nolosha ay geediga ugu jiraan, waxay markaad la sheekaysato ama akhrido buugta taariikh nololeedka arkaysaa, riyo kuula muuqata hawo balse isaga ula muuqata xaqiiq, waana ta dhaxalsiisa ku adkaanta nolosha ay rabaan. Dadaal iyo karti: dhamaan dadka wax soo kordhiyay ee kugu xeerani, haday noqoto sheek iyo shariifba, midkastaa wuxuu goostay wixii uu beertay, midkastaaba waxa uu ku noolaanayaa habeenkiisii iyo maalintiisii wixii uu gashaday, taasaana rag iyo haweenba kala geeyay circa iyo dhulka. Go’aan iyo xoog saarid: majiro qof meel gaadha oon dadka fikirkiisa ku qancin, dhamaan dadkii nolosha macnaha ku sameeyay waxay ahaayeen kuwo ku adag waxay rabaan kuna qanacsan fikirkooda nololeed. Samir iyo dulqaad: u fiirso dadka wax ah ama aad farta ku fiiqdo ee noloshaada ku xeeran, meel fog ha ka eegin, ma jiro qof habeen ku gaadhay nolosha uu gaadhay, mana jiro qof saacadaha tiriyay si uu u beddalo nolosha uu rabo, balse qof kastaa wuxuu huray wakhti dheer isagoo muujiyay Samir iyo dulqaad xad dhaaf ah. DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 12
6. Muuqaalka Maskaxeed Ee Mustaqbaka Fogi Waxa uu kugu Hogaamiyaa Wadada Guusha. Hawl kasta iyo waxkasta oo aad qabanaysaa waxa ay ka aasaas maan maskaxda iyo garaadka, hawsha iyo shaqo wanaagu waxa ay ku xidhan tahay hadba sawirka maskaxdeenu ina siiso ama nooca aragtida ee aan ka haysano mustaqbalkeena ama ka dhex guuxaya maskaxdeena. Fikirkaagu waa bar bilawda guushaada, maxaa yeelay waxa maskaxdeena ku jira habka aad u marayso hamigaaga iyo himiladaada waxaanad ka fikiraysa wada aad u mari lahayd guusha si aad u gaadho hamigaaga. Waxa xaqiiqo ah in aad tahay qofka aad tahay, cabirkaaga guud ee guushaada waxa miisaan iyo kafad u ah halka aad taagan tahay, hadii aad rabtid inaad samaysid isbedelka ku wajahan horumarka nolosha waa inaad bedeshid waxa maskadaada ku jira. Maxaa yeelay waxa ugu badan ee isbedelka nolosha keena ee kugu hogaaminaya guul waxaa xudun u ah maskaxda, hadii aanad fikirin waxba ma bedeli kartid waxa maskadaada ku jiraana waxaa uu bedeli karaa guud ahaan qaab nololeed kaaga. Markasta kobci oo kool kooli maskaxda si aad u hesho isbedel iyo wax cusub oo faa’iido iyo dhaxal gal u noqda noloshaada, dadka badan kooda waxa ku adag oo aanay marnaba la qabsan Karin isbadelka dhinaca nolosha ka soo wajaha, waxay faa’iido balaadhan u arkaan in ay ku jiraan xaaladoodii hore oo aanay samaynin sibedel, waayo waxa uu u baahan yahay isbedel ku fikir, hawl, dadaal, u adkaysi, iyo dulqaad ku wajahan, xaalada cusub ee aad bilaabayso. Soomaalida ayaa ku maahmaahda ‘noloshu waa siyaasad kaan garan habaynteeda ma islaaxiyo wanaageeda. Qofka caqliga la saaxiibka ahi waxa uu dabka u shitaa si uu u dugsado, qofka maan gaabka ahina waxa uu u shitaa si ugu gubto, nimcooyinka illahay inagu manaystay ee aynaan ka warqabin faa’iidadooda ayaa waxa ka mid ah ‘maskaxda’ waxay dadka badan koodu garab marsan yihiin waxqabadka maskaxda, taaso hadii aynu u kuur galno faa; iidooyinkeeda laga dheehan karo guulo badan oo aynu ka gaadhno nolosha aduunyo iyo tan aakhiroba. Sida la cadeeyay maskaxdeena waxa ku duugan nimcooyin badan oo loo baahanyahay in aynu isticmaalno oo aynu ka shaqaysiino. Tusaale ahaan nolosha miyiga ayaa ku dhaqan marka uu soo dhawyahay gu’ugu in loo diyaar garoobo oo gaawaha loo cugo (cusho), sidii looga bixi lahaa dhibaatadii soo wajahday xiligii jiilaalka, sida xiligaasi ku cad waxa laga dhaxlaa diif badan, caano la’aan, abaar waxana gaawaha loo cushaa xiliga guga oo laga raysta jiilaalka, maskaxdaadu waa fure ka mida ah guulaha noloshaada. Dad yar ayaa diirada saara mustaqbalka maxaa yeelay nolosheena Ayaan ku kharash garaynaynaa halkaasi (mustaqbalka fog). Xusuusnow hadii aanu wakhtigii hore aanu ahayn mid mug wayn kuu leh noloshana inta badan aad ku guul daraysatay isticmaalka maskadaada maaha inaad iska raarido mustaqbalkaaga danbe uu madaw ku jiro, illaahay talo saaro waxaanad aamintaa awoodaha qarsoon ee aad leedahay si aad mustaqbalkaaga fog guul uga gaadho. Ku sifow arimahan si aad guul uga gaadho arrimaha aad ku foogan tahay ee dhinaca isbedelka noloshaada. DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 13
Yeelo fikir durugsan: hadii aad yeelato fikir fog oo durugsan waxa aad had iyo jeer ku fikiraysaa sidii aad u gaadhi lahayd hamigaaga iyo fikirkaaga, waxaanad wakhtigaaga inta ugu badan ku bixisaa wax yaabaha aad ku guulaysanaysid. Noqo waaqici: markasta waxa aad ku dadaashaa inaad noqoto qof xaqiiqada wajaha, oo aan iska indho tirin waaqica, runtu waa lama huraan, runbaa reer lagu dhaqaa, runbaa rays lagu degaa. Markasta dhinaca wanaagsan wax ka eeg: waxa aad ku dadaashaa inaad noqoto qof dhinaca wanaagsan wax ka eega, oo aanad noqonin qof balaayo sheega ah, isticmaal erayadan (insha Allah, waan qaban karaa, waa ay hagaagaysa, waa ay fiicantahay). Ha rajo dhigin: rajadu waa dhiiri galinta hawlaha aad ku foogan tahay, rajadu waa awooda naftaada carcar galisa, rajadu waa awaada sahasha in qofku sameeyo diyaar garaw dhinaca noloshiisa. Ha ku mashquulin caqabadaha nolosha ee ku soo wajaha: indhahaagu yay arkin caqabadaha kusoo wajaha balse waa in ay indhahaagu arkaan meesha aad u socoto, go’aan kaagu ha noqdo meesha aad u socoto. Guul daradu kuma xidhna wakhti ku soo maray: guul daradu maaha kaliya inaad guul daraysato wakhti tagay balse waxa ay ku xidhantahay guul daradaadu hadba sida aad u dayacdo wakhtigaaga, maskaxdaada iyo dhamaan awoodaha dayacan ee aad haysato balse aad moogan tahay. Wax qabadkaaga koob: hadii aad istidhaa mar wada samee isbedelka nolosha waxa laga yabaa inaad guul daraysato fadlan isku dey inaad taako taako aad isbedelka noloshaada u samayso. Salaanka noloshaadu marnaba ma noqdo mid toosan oo siman wakhtiyada qaar waxa laga yaabaa inaad tirsato dhibaato, waligaa ha niyad jabin caqabadaha noloshaada u qaado cashar ahaan, wax ka baro, waxa laga yaabaa inaad maalin maalmaha kamid ah ku guulaysato.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 14
7. Maaraynta Warwarka/Walalka (tension): Waxkasta oo soo foodsaara noloshaada sababana kacsanaan, fikir badan, murugo, khalkhal iyo degenaansho la’aan nafeed, xaga jirka iyo maskaxda ah, ayaa la yidhaa walbahaar, warwar iyo walaac. Hadii aad arday tahayna waa waxa loo yaqaan (tension) ka. Hadaba, hadii aad walbahaarsan tahay waxad ogaataa inaadan kali ku ahayn ee dad yowga dunida ku nool waxa la cadeeyey in ay 70% uu yahay, waana wax nolosha caadi ku ah, waxa dhacda in heerka walaaca ku soo wajaha lagu kala duwan yahay, oo ay dhacdo in aad maarayn kari waydo. Waxyabaha keena walbahaarka: Waxa keena inta badan nafta oo aan awood u yeelan in ay samayso waxay doonaysay, ama ay qaban karaysay, oo aad dayacdo, markaa waxa la yidhaa dhiiga ayaa sare u kaca, waxaana saamayn ku dhacaysa qalbiga, xaalada noocaasa waxaad doonaysa inaad degdeg uga dhaqaaqdo arin aanad ka fiirsan. Hadii aad arday tahay wax yaabaha ugu badan ee keena welbahaarka waxa ka mida in aad imtixaan aad akhriday hoosayso, ku kugu soo socda oo aad ka walaacdo, laakiin labadaasiba qofka waxba uma taraan wax tagay ka werwerkiisa iyo wax soosocda ka walaaciisa, tan joogta isku day inaad maarayso laakiin ta soosoco Alle (swt) isku xidh, oo Alleh talo saaro. Ogaanshaha waxyaabaha sababa walbahaarka: Ogaanshaha iyo barashada walbahaarka ka hor waxa iyana muhiim ah inaad adigu is taqaan, qofka aad tahay, dabcigaaga, akhlaaqdaada, iyo xusuustaada, waayo waxay kaa caawinaysa inaad ogaato murugada inta ay leeg tahay iyo sidii aad ula falgali lahayd. Maaraynta walbahaarku waa maamulida naftaada, dareenkaga, aragtidada iyo inaad xukunto kana awood roon tahay la dhaqanka mushkiladaha kusoo food saara, baro sidaad ula tacaalayso arimaha adage ku soo food saara nolol maalmeed kaaga adoo Eebe (swt) kaashana. Yoolka kowaad ee hiigsimaad ka leh waa nolol ka dheelitiran xag walba sida, xiriirka qoyska, asxaabta shaqada, ama wakhtiyada kuu gaarka ah ee aad ku hawlan tahay arimahaaga iyo waxbarashadaada. Samee talaabooyinkan: a) U samee wax kasta raali-galinta Alleh(swt), kuna salee noloshaada sunada Nabi Maxamed (NNKH), si aad uga fogaato warwarka iyo walaaca. b) Samayso jadwal nolol maalmeed, ujeedada aad ka leedahay noloshaada iyo halka aad hiigsanayso. c) Hayareysan awooda maskaxeed ee aad leedahay, tirtir codkasta oo kuleh waxba ma qaban kartid, ku fikir dhinaca wanaagsan, isticmaal odhaahdan wax walba waad qaban karta. d) Ka dhigo saaxiibkaaga koowaad qoraal akhriska, daraasaynta culuumta kala gadisan, hadii aad tahay arday hankaaga kaliya ha ku koobin warqada (hand out) ka. DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 15
8. Qaabkee Ayaan Uga Guulaysan Karnaa Imtixaanaadka: Waxaa layidhaa imtixaan waa imtixaan xataa hadiiba lagu waydiiyo magacaaga. Kaliya imtixaan ku waxa uu muujiyaa inaad dadaal samaysay, oo aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid, ku celcelin iyo dib u eegid badan. Odhaahda dhiirigalinta ah ee soomalida waxa ka mida, ‘Ninba wuxuu dhaquu dheeftiisa maalaa’, waxa kaloo jirta ninba intuu cunuu caydamiyaa, kuwaaso dhaman tilmaamaya waxaad tabcatay inaad leedahay. Hadaba maskaxduna waxay dhiiqdaa hadba inta hawl lagaliyo, laga shaqaysiiyo, la xafidsiiyo, waxa layidhaa weel kasta waxa kasoo burqada waxa gudihiisa ku jira. Maxay tahay u jeedada imtixaanku? Aqoonta kaliya looma barto si aad imtixaan ugu dhaafi lahayd, sidoo kale imtixaan la’aantiina aqoontu ma xasisho. Culimada fahamka islaamka waxay yidhaahdaan ‘hadanay jirin waayo’ damiirkuba waxa uu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan. Hadii aan imtixaan jirina lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuska ma galeen. Mar waa maskaxcarin, marna waa tartan, marna waa guubaabo, hayse yeeshee, imtixaan ku ma u jeedada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaan kaga gudub, bal dib u eeg maado kastoo aad u baratay imtixaanka kaga gudub, marka aad imtixaan ka sidaa uga soo baxdo hal saac ka dib hadii imtixaan labaad lagaaga qaado waxaa xaqiiqo ah inaad ugaran waydo sidii markii hore, iskaba daa hadii maalmo, todobaadyo iyo bilo kasoo wareegaane, mar hadiiba ay niyadaada ku jirtay imtixaanka uun kaga gudub. Waayo waxa aad akhrinayso maskaxdu waxa ay dhigaysa keyd keeda ku meel gaadhka ah, umana gudbiso keyd ka waarista ee mudada dheer. Hadiise ay kaa tahay aqoon kasbasho iyo naftaada, qoyskaaga, iyo umadaada inaad ku anfacdo waxa aad u gudbinaysa qaybta maskaxda ee kayd ka waara, Taasna noqota tan kugu hadhaysa ee hadhaw loo aayo. Inta aanad imtixanka galin waxa kuu taala hawl adag, nin la sugayow adna yaad sugi, hadaba goor maad bilaabaysa diyaar garawgaa? Ma wiig ka hor? Mise bil ka hor? Eeg qodobadan yar wax laga yaaba inay kaa caawiyan diyaar garawgaaga. A) Diyaar garawgaagu ha ka bilaabmo maalinta aad casharka qaadataba, ha sugin maalinta imtixaanku fooda ku sooro sida ardayda badan koodu yeelan. B) Diirada saar qaybaha ugu muhiimsan ee darsiga aad imtixaanka ku galayso, ha is dawakhin hana qaybin buuga dhan, ee akhri daris kastaaba wuxuu leeyahay nuxur kaana awooda saar, qaado fikrada guud, adigu ku darso wixii dheerada imtixaanka dhexdiisa. C) Marka aad akhrinayso deriska saadaali su’aalaha suuro galka ah ee ka iman kara casharkaa. DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 16
D) Habeenka imtixaanka ka horeeya ha soo jeedin, seexo hurdo kugu filan. Ardayda qaar ba wax akhriya iyagoo luloonaya, taasina waa bar kuma taal. E) Goobta imtixaan ka kaalay wakhti ka hor, si aad ula sii qabsato sidee ayaad imtixaanka uga guulaysan kartaa. F) Ha nixin, hana warwarin, waxa lagu waydiinayaa waa wixii aad soo dhigatay ee aad soo diyaarisay uun. G) Aamin naftaada, kalsoonina ku qab inaad garanayso waxa lagu waydiin doono. H) Iska fogee buugta, waraaqaha iyo waxkasta oo keeni kara inuu buuq ku galiyo oo lagaaga shikiyo qish, waayo waxyaabahasi waxay kaa luminayaan kalsoonidadii. I) Marka warqada laguu dhiibo, bisinka Alleh (swt) ku bilaw intaanada wax kale qaban, magacaagana ku qor. J) Akhri tilmaaha dhamaan qaybaha imtixaanku ka kooban yahay, si aad u ogaato inta laga shaqaynayo, inta laga tagi karo, kuwa khasabka ah in laga shaqeeyo. Tilmaamaha oo aad raacdaa waxay suuro galisa inaad ka guulaysato imtixaankaa. K) Marka horeba ka shaqeeya su’aalaha aad hubto jawaabtooda 100%, marka labaad ee aad ku soo noqoto ka fikir kuwa aad wax ka garato, markaad kuwa dhamayso u kaalay kuwii kugu adkaada. L) Waligaa meel madhan ha ka tagin, erayada iyo weedhaha meesha ku yaal inta aad dhuuxdo, hadii aanad xasuusanayn jawaab sax ah, isku day inaad qiyaas xikmadaysan samayso waxaaba la arkaa inaad ku guulaysato ee. M) Ha degdegin, hubi inaad dhamaysay, inaad saxday, inaad jawaabaha wada dhamaysay. N) Marka aad hubiso inaad waxwalba dhamaysay Illahay la kaasho, ha walwalin si aanad kuwii aad saxday iskaga qaldin. O) Ha ka warwarin ardayda kaa hor dhamaysa, waayo iskuma xidhnidin ee adigu wakhtigaaga illaasho si aanu kaaga dhicin. P) Mar labaad hubi inaad magacaaga iyo wixii kale loobahan yahay u qorto. Ardayga wanaagsani waxbarashada hadaf buu ka leeyahay, ee kama aha qayrkaaba wuu bartee adana samee. Marka ha noqon imtixaan u noole, waayo imtixaan u noolayaashu way dhayalsadaan waxbarashada, way iska baashalaan, marka danbena warwar bay la dersan ‘ardaygaan dadaalin marbuu dabinta ruugaa’, markaa noloshaada iyo wakhtigaaba qorshee si ay suuro gal kuugu noqoto inaad diyaar garawdo intaan imtixaanku kuu iman ka hor. Maal maha imtixaanka waa inaad xooga saartaa kaliya meelaha ugu muhiimsan, waa inaad imtixaanka adigoo odorosaya su’aalaha ku iman kara jawaabtooda raadisa. DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 17
9. Maaraynta Wakhtiga: Bini’aadanow waxaad tahay maalmo, markasta oo maalin tagto, waxa tagtay badh ka mid ah noloshaadii, ‘Xasan Albasri; ‘wakhtigu waa nimco ka mid ah nimcooyinka ugu qaalisan ee illahay (swt) inagu deeqay si aynu uga faa’iidaysano, waana mid ka mid ah waxyaabaha illahay ina xisaabin doono maalinta qiyaame. Wakhtigu waa cimriga qofka, waana hantida kaliya ee aan la kaydin Karin, saacad kasta oo ku dhaafta waxaad u dhawaatay qabrigaagii, ma ogid intaad noolaanayso si aad u noolaato, waad u baahantahay inaad ka faa’iidaysato intaad neefsanayso. Ma joojin kartid sido kale waxba kuma dari kartid wakhtigaaga laakiin waxaad awood u leedahay inaad ka faaiidaysato, wakhtigaaga oo aad qorshaysaa waa noloshaadii oo aad qorshaysay, nolol qiimo leh oo qaab qurxoon leh hadii aad rabtona waxa kaa xigta inta wakhtigaaga aad qorshayso. Maxaa wakhtiga loo qorsheeyaa; Qofkastaaba waxa uu jecelyahay, inuu nolosha meel sare ka gaadho, oo uu noqdo mid wax tarleh oo lagu hirto. Hadii aanad hawlahaaga iyo wakhtigay kugu qaadanayso qabashadoodu kuu qorshaysnayn, noloshaadu qiimo yeelan mayso, oo way dhadhan beelaysa, noloshu dhamanteed way qorshaysan tahay, oo aduunyadu idil ahaan teedba illaahayba (swt) qorsheeyay. Bal u fiirso ilbidhiqsigu waxa uu sameeya mirir, mirir kuna saacad, saacaduna maalin, maalintuna todobaad, todobaad kuna bil, bishii sanad…way sii socanaysa. Hadaba hadii aad dayacday ilbidhiqsi noloshaada ka mida waxa dayacday qayb ka mida noloshaadii. Wakhtiga waxa loo qorsheeyaa in laga faa’iidaysto oo wax badan lagu qabsado, laguna noqdo qof wax soo saar leh, oo la tartami kara filkii, ogow aduun yada waxaad u joogtaa tartan, oo waxaad u tartamaysa inaad ku guulaysato aakhiro iyo aduunba, si aad ugu guulaysato waxaad u baahan tahay inaad wakhtigaaga qorshaysato. Waxyaabaha wakhtiga lumiya waxa ka mida, hurdada badan, qorshayn la’aanta hawlahaaga, wax yaalaha lagu madadaalado sida TV yada, social medea (facebook, whatsapp, instigram, Twitter), games ka iyo IWM. Qaabka loo qorsheeyo wakhtiga waxa ka mida: 1. Faham: inaad fahamto dhibaatada kaa haysata qorshayn la’aanta wakhtiga, waa talaabada ugu horaysa ee kuu sahlaysa inaad wakhtigaaga qorshayso. 2. Qaado go’aan: hawl kasta marka la bilaabayo waxay u baahantahay inaad ka gaadho go’aan cad, Marka aad ogaato dhibaatada ay leedahay wakhtiga oo kaa lumaa, waxay kuu sahli kartaa inaad ka gaadhi karto go’aan. 3. Tax qorshayaashaada: soo qaado buug iyo qalin oo fadhiiso meel bilaa buuq ah, qor oo tax dhamaan qorshayaashada, ugu danbayn dooro saddexda hawlood ee aad rabto inaad qabato kana gun gaadh. DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 18
4. Jadwal maalmeed samayso: jadwal maalmeedku waa talaabada ugu mug wayn ee aad ku guulaysan karto, taaso kuu horseedi karta qorshe nololeed oo cad, marka aad qorshaysato maalintaada waxa hubaal ah inuu todobaad kaaguna qorshaysnaanayo, todobaad kaagu haduu qorshaysmana waxa qorshaysnaanayo dhamaan wakhtigii kale ee noloshaada. 5. Iska illaali qabashada hawlo badan mar kaliya: inaad hawlo badan qabataa waxay ku dhaxalsiinaysa in wakhti badan kaa lumo, wax soosaar kaaguna hoos udhaco, hawl kasta wakhtigeeda sii oo ha ugudbin tukale illaa aad ka dhamayso. 6. Is xisaabi: inaad habeenkii marka aad sii seexanayso is xisaabisaa waxay ku dhaxal siinaysaa inaad ogaato natiijadii hawl galkaaga, waxa kale oo aad ka helaysaa dhiirigalin, sidoo kale waxaad ogaanaysaa xadiga uu is bedelkaagu le’egyahay. 7. Habeenkii jadwal maalmeed kaaga sii samayso: bar bilawga maalintu waa salaada subax, si uu kuugu fududaado hawl maalmeedkaagu, dejiso jadwal kaaga habeen kii inta aanad seexan ka hor, taasi waxay kuu sahlaysa in subaxa marka aad kacdo hawlahaagii uqabato sida ugu haboon. 8. Aamin: hadii aanad aaminin inaad qorshayaashada ku guulaysanayso, col hortii ayaad jabtay, aaminaadu waa awooda ku dhaxalsiinaysa inaad hesho firfircoonida aad ku hawlgalayso. 9. Ka dheeraw caajiska: caajisku waa awood dilaha qof kasta oo uu haleelo, hadii aad qof caajisa noqotana hawl ma fulin kartid. 10. Talo saaro Illahay (swt): dhamaan hawlahaaga aduunyo waxa kuu sahli kara Allah, hawl kasta oo aad ku kacaysana hadii aanad Alleh talo saran noqon mayso hawl midho dhal fiican leh.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 19
10. Qaabkee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta: Waxan marka hore is waydiinaynaa su’aalahan, ma tahay arday? Hadii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? Hadii aad “haa” ku jawaabto labada su’aaloodba, su’aal kale: sidee baad u noqon kartaa arday wanaagsan oo aflaxa? Hadaba akhriste inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad marka hore hadaf iyo doonis leedahay. Hadafka iyo hiigsigana waxa lagu gaadhaa dadaal ka iyo tamarta aad naftaada galiso hadba inta uu le’eg yahay. Waxa geela loogu maahmaaha “ninba tacabkii togaay kaa maal” taaso ka dhigan hadba inta geela la foofiyo ayaa laga maala, sidoo kale dadaalaa xaaji cabaas ayuu gaadhaa, wuuna dhaafaa, xaqiiqadu waxay tahay inaanad noqonayn arday wanaagsan oo guulaysta hadii aanad naftaada hawlin, in badan wax akhriyin, in badan soo jeedin, oon marar badan qoraal iyo akhris ku foorarin, iyadoo saaxiibadaa iska dheelayaan naftaaduna u baahan tahay wehelkooda aanad ka saacidin. Abwaan cabdilaahi suldaan (timacade) na waa kii laha’ “wadaadoow hawl yaraan laguma helo waxan cidi ku hawshoone, naftaa loo hantaaqaa waxay hiigso leedahay”. A) Qorshee waxa aad qabanayso isla markaana kala hormee jadwalkaaga waxbarasho. Ardaygu waa inuu bartaa qorshaynta, iyo kala mudnaanta hawlaha uu odorosayo. Qorshayntu waxay ka bilaabantaa inaad is waydiiso “waa maxay hadafkaagu?”, tusaale ahaan waxad tahay arday imika jaamacada bilaabaya, maxaa hadaf kuu noqon kara? Waxan odhan karnaa ‘sanadkan waa inaan inta maado midna ka hoosayn 90%, hurdo badan, ciyaar iyo dheel dheelna kala tagte, mar hadii hadafkaagu noqdo inaad figtaa gaadho. Waxaad markaa u baahan tahay inaad ka fikirto kaliya hawlaha aad qabanayso, si aad u gaadho darajadaa aad rabto. Hawlaha lagaaga baahan yahay waxa ka mida wax akhris, qoraal, hawl wadareed aad ardayda kale la wadaagto, baadhis ilaha kale ee aqooneed, IWM. Marka hawlaha aad qabanaysaa kuu cadaadaan waxaad u baahan tahay inaad kala hormayso, mudnaanta siiso kuwa wax badan ku soo kordhinaya hadafkaaga. Marka aad doorato hawlaha aad is leedahay waad ku liibaanaysaa, is waydii waxaad u baahan tahay e khyraada, sida buugta, internetka, lacag, qalab, saaxiibada aad isku galaaska tihiin, macalinkaaga, iyo cid kasta oo wax ku tari karta. “qorshaha wanaagsan ayuunbay nolosha wanaagsi ka bilaabantaa”. B) Akhris, faham iyo dadaal dheeraada ku bixi duruustaada: Xaqiiqadu waxay tahay in aqoontu ka dhalato, ku kobocdo, ku korto, kuna adkaato akhriska, wax ku ool ka ah ee fahamku weheliyo. Markaad tahay arday dadaalaya, mustaqbalkiisana dan ka leh, waxa kugu waajiba inaad wakhti badan u hurto inaad akhrido duruusta laguu soo dhigay, ka shaqayso laylisyada, baadho culuumta la xidhiidha aqoontaada, iyo aqoonta guudba. o Sidee baa hadaba ugu haboon ee wax loo akhriyaa? DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 20
Jawaabtu ma fududa laakiin han tusaale yaal ku siiyo hanaan aad loogu bogay oo ka mid ah hababka wax loo akhriyo. Waa hanaanka afka qalaad lagu yidhaa “SQ3R” = where S=survey, Q=question, R=reading, R=recite/writing, R=review. Hanaan kan hadii aad raacdo waxaad arkaysaa in waxaad akhrinaysaa aanay kuwada dhaafayn, ee aad wax kala hadhayso. Eeg talaabooyinkan hoose: Eegmo kor-xadis ah (survey): si kor xaadis ah baad u indha-indhaynaysaa ciwaanada, qoraalada, jaantuusyada, maababka, hordhaca, gabagabada iyo hadii uu cutubku leeyahay soo koobid. Su’aal (question); ciwaan ka iyo ciwaan hooseedyadaba waxad u rogaysaa su’aalo. Sidoo kale akhri su’aalaha cutubka, deedna naftaada waydii su’aalahan: muxuu macalinku cutubkan iga waydiin karaa? Maxaan hore uga aqaanay cutubkan? Iwm. Akhri (Reading): haduun baad bilaabaysaa akhris kii dhabta ahaa, inta aad akhrinayso, aad u dhugo inaad su’aalahaagii jawaab u heshay, dib u akhri macnaha iyo qoraalada ku hoos yaal sawirada, jaantusyada, iwm. Waxaad il-gaara ku eegtaa meelaha xariiqda la hoos dhigay, farta la yar seexiyay (italic), amaba la muujiyay (bold), meelaha aan kuu cadayn, ama mad madaw kaa galena xawaaraha akhriskaaga hoos u dhig, kuna noqo hadii aad mar kaliya aad ku fahmi waydo. Dib u dhihid/ ismaqashiin codka akhriskaaga (recite): su’aalo hadal ahaana iska waydii wixii aad imika akhriday, ama soo koob adigoo isticmaalaya erayo adigu aad leedahay. Calaamadi meelaha muhiimka, afkaarta aad la dhacdayna isku day inaad erayadaada dib ugu cabirto, inaad dib u odhan karto xasuusan karto wixii aad akhriday, waxa kaa saacida inaad is ticmaasho dareemadan, sida: araga, dhihida, maqalka codkaag oo aad sare isku maqashiiso, iwm. Dib u eegis/ naqtiin (review): wixii aad akhriday ee aad dib u dhihida ku samaysay, baad hadana su’aalo iska waydiinaysaa si aad xoog ugu sii fahamto. Caadiyan talaabadan ugu danbaysaa waa mid joogto ah, oo laga rabo inaad samayso marar badan, si aad u meelayso, una fahamto wixii aad akhriday, qortay. Waan akhriyay cutubkaa halna ka garan mayo maaha laba is qabata, hadii uu hanaan kani kaa caawin waayo akhris waxaad baadhaa hanaanada kale ee wax loo akhriyo ee la tijaabiyay. Waxaanad u baahan tahay Samir iyo ku celcelin ee maaha wax maalin qudha la qabto. C) Fasalka (class) ka u xaadir si joogto ah: soo xaadirda joogtada ahi waxay ardayga siisaa fursada ah inaan waxba seegin wixii duruus la qaato xiligaa. Macalin ka wanagsan iyo kana an wanaagsnaynba wuu ka faa’iidaystaa, kaliya waxa kugu filan figrad galaaska dhexdiisa macalin ka sheegay, oon buuga ku qornayn, hadii ay imixaan ku timaado, waxa la arkaa in kuwii joogay ay u fududaato, halka adi ay kugu adkaanayso, sideedba way DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 21
fiican tahay inaad galaska xaadirtaa, waayo waxad gudanaysaa waajibkaagii ardaynimo, si xilkasnimo iyo masuuliyadleh. D) Ka shaqee laylisyada, shaqo-gurida, iyo wixii kale laguu diro isla markaana gudbi wakhtigii laguu qabtay: Waxbarashadu maaha inta macalinku jeediyo uun, qaybta ugu muhiimsani waa inta aad adigu qabato. Taasna waxa kow ka ah inaad si macno leh uga shaqayso laylisyada, iyo hawl aqooneed ka laguu soo diro, ku dadaal markasta inaad hore uga shaqayso. E) Adaabta, asluubta iyo nidaamka fiican ku dhaqan: Aqoon bilaa adaab iyo asluub ahi waxay kaa dhigaysa dameer malab la saaray oo kale. Aqoontu waa inay kuu kordhisaa akhlaaq, haybad, sharaf iyo hanaan nololeed oo wacan. Waa inaad ka dheeraataa liidnimada, xumaanta, xasadka iyo dhegxumada si aad u noqoto qof la hiigsado oo dadku jeclaystaan in u bad koodu adiga oo kale noqdaan, oo lagugu magac daro. Aqoon iyo akhlaaq wanaagsan oo si weheshaday waxay kaa dhigaan qof dhamays ah. Soomalidu waxay tiraahdaa “cilmigu qofna wuxuu ka dhigaa nin, qofna ninamyaw” taas oo micnaheedu tahay hadiiba aanad ahayn nin raganimadiisu aad u xoogan tahay waxay ku soo gaadhsiisa raga, hadii aad markii horeba nin ahaydna waxay kaa dhigtaa nimanyow. F) Wakhtigaaga maamul: Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee Illahay (swt) aadmiga ku manaystay. Nin sheekhaba yidhi’ wakhtigu waa nolosha” noloshuna waa daqiiqado, saacado, maalmo la isku geeyay oo noqday bilo, sanado iyo qarniyo. Cimriga aadamuhu wuu xadidan yahay ee in ta yare ee aad nooshahay waxaa lagaa rabaa inaad camirto, maal galiso, kuna isticmaasho wax ku anfacaya aduun iyo aakhiroba. G) Mar walba dib u eegis ku samee, qiimee, isla markaana hore-umari hanaanka aad u maamusho wakhtigaaga: Mar walba dib u qiimee sida aad u maamusho wakhtiga, habab ka aan shaqaynayn badal, kuwa aad ku raysayna xooji, kuwo cusub oo wax tarlehna soo kordhi. Ugu danbayn ardayga wanagsani waa kan qorshaysta noloshiisa, hadafna ka yeesha duruusta iyo hawsha uu qabanayo.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 22
11. Tilmaamo Kale Oo Wax loo Akhriyo. Waxaan markasta awooda saaraynaa ciwaanada buugeenan awooda akhriska, waayo waa inaad aamintaa inaan laka aqli badnayn, laka waynayn ee lakala akhris badan yahay, qof walibana waxa uu leeyahay inta uu akhriyo, eraygaad baratee akhridaa anfacaaya naftaadee ogow. Ma tahay qof wax dhigashada jecel? Ma tahay qof jecel inuu darajo wanaagsan ama marks wanaagsan imtixaan ka ku guulaysto? Sideed wax u akhridaa? Wakhti bay qaadan kartaa inaad badashid dabeecadahaaga wax akhris laakiin markii aad isku daydid waxay noqon doontaa shay dabiici ah insha Allah. A) Casharkaaga ka dhig mid xiiso badan: inaad tiraahdid hadaan darajo sare keeno shaqo wanaagsan baan ku helaya ku xiiso galin mayso. Waa inaad jeclaataa waxaad qabanaysid, isku day inaad cashar kasta ku xidhid ama xidhiidh aad u yeeshid noloshaada, ha ku xiiso galiyo qaabkaaga wax akhris. B) Wakhtigaaga si wanaagsan u maamul: yeelo oo samayso jadwal aad wax ku akhridid sidaan horeba u soo tilmaanay raac wadiiqada loo samaysto jadwal wax akhris. C) Wax u akhriso waslad waslad 30 ilaa 50 daqiiqo: maskaxdaadu wakhti ayay qaadataa si ay u xasuusato ama u keediso macluumaad cusub mudo dheer. Markaa qaado mudo 5 ilaa 10 daqiiqo ah oo nasasho ah, laakiin akhriskaagu yaanu ka yaraan ugu yaraan afar saacadood, waxa layidhaa hadii aanad 4 hours wax akhriyin waxba maad akhriyin. D) Dooro meel akhriska ku haboon; meeshad wax ku akhrisanaysa waa inay noqotaa meel aad si fudud oo raaxo leh wax ugu akhrisan kartid, laakiin yaanay noqon meel raaxo badan oo aad ku seexan kartid. Kaliya waxa la rabaa in ay meeshu noqoto meel buuq yar oo degan, oo aan lahayn wax kaa jeediya wax akhriskaaga. E) Maskaxdaada saafi ka dhig: haduu jiro wax maskaxdaada mashquulinayaa, sida hawl kale oo ku sugaysa ama dhibaato kale ku haysataa jirto, ku dadaal si aad wax yaabaha maskaxdaada uga saartid. Soo qaado warqad iyo qalin kadibna ku qor waxyaabaha maskaxdaada mashquuliya, intaasi waxay kaa caawin kartaa inaad maskaxdaada saafi garaysid. F) Sii diyaarso cunto fudud ka hor intaadan bilaabin wax akhriska: ha sugin ilaa inta aad ka gaajoonaysid inaad cunto raadisid, sii diyaarso cunto fudud, tusaale ahaan keeg ama buskut. Si aanay hadhaw kaaga jiidhin wax akhriskaagii. G) Casharkaaga dib u qor: markaad fasalka dhex joogtid ku dadaal inaad si fiican macalinka u fahamtid ula socotid. Muhiim maaha qoraalkad macalinka ka qoraysid inaad fasalka ku dhex nidaamisid, markuu casharku sidaa kuugu dhamaado ku dadaal inaad dib ugu noqotid, waxaad samaysan kartaa note buug aad dib ugu habaysid. DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 23
H) Marka horeba casharkaaga inta ugu muhiimsan baro; dadka badan koodu markay casharka akhrinayaan waxay ka bilaabaan inta u horeysa waxayna ku joogiyaan casharka dhamaad kiisa, qaab u akhriskaa waxa dhaama inaad ka bilaabtid inta casharka ugu muhiimsan adoo raacaya nidaamkii ahaa SQRRR.
12. Baro Talaabooyinkan Muhiimka Ah. Aamusnaantu waa hubka lagula dagaalamo lagagana guulaysto jaahiliinta, si cilmiyaysan ula dood kana aamus wixii laqwi ah. Sida biyaha u soco: biyhu marakay ku soo hagaagan meel taag ah ama tuur ah aayar uunbay iskaga leexdaan. Sidaa awgeed hadii aad qof moran badan ku soo hagaagto hala mormin ee aayar iskaga leexo. Inaad dhulka ku dhacdaa/kuftaa ceeb ma aha, laakiin waxa ceeb ah inaad ka kici waydo boodhka ama halkii aad ku kuftay, ogow guul daradu waa jidka guusha, iyadaa cilmi laga bartaa hadhaw lagu dhaafo takale. Hadii aad noqotid nin/gabadh caan ah oo dadku wada yaqaano, ogow waxa aad sidaa magac, illaali sharaftiisa ahawna mid lagu daydo. Inaad hesho manfac ama maal waxaa ka wacan inaad hesho sharaf waayo maalku waa uu dhamaadaa laakiin sharaftu ma dhamaato, ha ku doorsan maal wax sharaftaada wax yeelaynaya. Islaanimadaada dilaya, dhaawacaya dadkaaga iyo dalkaaaga. Dhib walba oo ku haleelaa ogow inuu yahay dhacdo aad ku baratay dheesha aduunka kuna sahlaysa in aad noqoto caalim ku takhasusay nolosha waxna ka yaqaana. Ogow fulayga marka ay dhibi ku timaado waxa uu helaa xalal kala duwan laakiin waxa uu qataa hal mid kaasi oo ha inuu cararo oo kaliya, ku kalsoonow naftaada oo aamin awoodaada adkaysina lahaw. Aqoontu waa iftiinka nolosha, lagamana waynaado, markasta wax baro waxna bar naftaada, waayo waa furaha guusha noloshaada. Qof ka xooga wayni maaha kan dadka markiiba lagda, laakiin waa ka qabta naftiisa marka ay cadhooto, is deji oo dulqaad u yeelo arimaha nolosha oo ha degdegin. Shinbir walba waxa ay soo kalahdaa iyadoo gaajaysan oo aan cunto melena ku ogayn waxayna carawdaa iyadoo dharagsan, waayo waxay talo saarataa Illahay (swt). Ficil samee Allena taladaada u dhiibo, waayo Alleh marnaba kuma hoojinayo hadiiba aad dadaal latimaad.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 24
Geedka gobka ah dadku waa ay shiidaan isna midho macaan ayuu usoo daadiyaa, ahaw qof gob ah, fiican, iska cafi qofkii ku xumeeya, oo adigu wanaaji, sidii uu xadiisku ahaa ‘xumaha wanaag ku gud’ sidaasi ayuu khyrku ku jiraa. Salaadaha oog oo ku illaali wakhtigooda, sakada bixi, soonka ogow, dadkana wanaag kula dhaqan waxaad gaadhi doonta insha Allah liibaanta iyo guusha dhabta ah (Road to success). Afmiishaarku kuma fashilmo golaha dhexdiisa, laakiin waxa uu ku fashilmaa go’aan qaadashada. Waligaa mabda’a yeelo iyo go’aan wacan. Dhoola cadayntu waxa ay abuurtaa daganaansho, daganaanshuhuna wuxuu abuura nolol wacan, nolosha wanaagsanina waxay abuurtaa caafimad, caafimaad kuna wuxuu abuuraa cimri dherer. Sida loo kala degan yahay ayaa lookala dhawrsoon yahay. Ha ka fikirin shalaytoole, ka fikir manta iyo barri toole, maxaa yeelay waa fursan aad ku sixi kartid qaladaadkii shalaytoole. Waligaana si run ah uma farxaysid, hadaad kor u haysid ashyaa ama waxyaabo kuwaso naftaada murugo galinaya. Ogow guushu ha soo daahdo ama ha soo degdegte dadka qalbiyadoodu daacada yihiiin ee samirka iyo dadaal ka leh ayay ku danbaysaa. Noloshu waa ficil ee maaha khayaali iyo talan (wax aad iska dhaadhicisid inaad qabanayso laakiin aanad qabanayn, tusaale ahaan waan qaban doona, waa inaan waxa iyo waxa yeela) oo aan run kaa ahayn, laakiin noloshu waa ficil iyo tartan, hadii aad caawa guri dhis istiraa oo aad cid la tartamayso waad dhamaynaysa.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 25
13. Qaabkee U Doorataa Takhasuskaaga Waxbarasho: Cilmigaad baranaysid, ma doonaysa inaad doorato takhasuska ugu haboon? Hadiiba aanad haynin kii aad kuugu haboonaa sided u dooran kartaa ku ku raali galiya? Raac talooyinkan muhiimka ah. Doorashada maadada aad ku takhasusaysaa amaba aad jaamacada u galaysa maaha mid fudud, lkn ardayda way ka fududahay waayo waxaanay helin talo fiican oo ka saacida doorashada kuliyada ay galayaan. Sida aan ognahay ardaydu markay bilaabayaan jaamacadaha waxay warsadaan ku wii ka horeeyay, ama waxay eegaan suuqa iyo qof imika shaqo wanaagsan haysta, ama wuxuu arkaa uun ardaydii oo meel u badan deedna wuu iska raaca, hadaba waxaa haboon adoo ku qancaaya marka horeba nasiibkaaga, hadana inaad jaamacada iyo takhasuska lagu siiyo aad si xikmadaysan u kala horto. Hadaba si aad u samayso doorasho xikmadaysan, waxa daruuriya inaad adigu is waydiiso sadexdan su’aalood isla markana aad uga jawaabto si daacad ah adigoon naftaada khayaamayn. Awood ma u leedahay inaad barato maadadan ama koorsooyinkan? Ma jecelahay inaan barto maadadan ama koorsoyinkan? Maxay fursado shaqo leedahay markaan barto? Han kala hormayno su’aalahan: Awood ma u leedahay barashada maadada aad ku takhasusayso? Run ahaantii su’aashani waa laf dhabarta doorashada, hase yeeshe awoodu way noocyo badan tahay. Awoodu waxay noqonkartaa seeskaaga aqooneed inta uu leeg yahay, tani waxay kuu sahlaysa barashada maado gaar ah. Tusaale ahaan hadaad doonayso inaad Engineering barato oo aanad maadadii xisaabta ku fiicnayn, awooda aad galinayso barashada maadadaasi way yaraanaysa. Awoodu waxay noqon kartaa inaad karayso safarka hadiiba jaamacada nasiibku ku siiya fogaato, dhanqale ahaan iyo caafimaad ahaanba inaad kartideeda leedahay nolosha campuska, awoodu waxa kaloo ay noqon kartaa inaad leedahay awooda go’aan qaadashada iyo hadafka aad ka leedahay waxbarashada, awooda aaminaada naftaada inaad tahay qof wax walba qaban kara. Waayo tani waxay kuu suuro galin doontaa inaad awoodeeda yeelato maado kasta oo lagugu qoro ama nasiibkaagu ku siiyo inaad barato oo aad siiwado.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 26
Ma jeceshahay inaad barato takhasuskaaga? Maadada aad dhiganaysaa waxaa suurto gal ah in ay noqon karto mid kula xidhiidha noloshaada oo dhan, waayo waxa suuro gala inaad ku shaqaysato inta noloshaada ka dhiman, sidaa daraadeed waxad u baahantahay inaad marka horeba doorato, uguna horaysiiso liiska maado aad jeceshahay barashadeeda iyo ku shaqaynteedaba. Tani waxay kaa caawin doontaa in waxa aad baranaysaa qiimo kuu sameeyo. Waxa suurto gala inaadan helin takhasuskii aad rabtay oo mid kale kuu soo baxo, laakiin waxaad marlabaad nasiib u haysataa inaad ku badalan karto markaad tagto jaamacadii lagugu qoray, oo aad hesho tii aad jecelayd, tani waxay ku xidhan tahay marka horeba rabitaankaaga iyo xiisaha aad u qabto barashada maadadaa. Ma ku helaysaa fursado shaqo? Barashada culuumta aan diiniga ahaynin inta badan ujeedada loo bartaa waa in lagu shaqaysto. Maadada aad baranaysa waa xirfadii aad mustaqbalka ku shaqayn lahayd ood yagleeyayso. Sidaa daraadeed waa inaad odorostaa furaska shaqo ee ay leedahay iyo sida deegaanka iyo dalkba ku tahay, waa sida loo badan yahay marka ardaydu dooranayso takhasuska jaamacadaha, laakiin waxa ka haboon inaad Alleh (swt) aad aaminto arsaaqda iyo risiqa inuu isagu bixiyo ee aanay maado ku xidhnayn, waxkasta oo aad barataana uu faa’iido leeyahay, hadii aad dadaashana Illahay dadaalka qofka ma qariyo halkaa ayuu kuu galinayaa risiqaaga. Dhinaca kale cilmi kasta oo aad barataa ogow maalin uunbaad u aayaysaa, oo faa’iido ku helaysaa, cilmiga aad barataa khasaaro ma galo, wixii aad barato maalin uun baad u aydaaye jaahilnimo uunban waxba kuu tarin ee intaad da’a yartahay waxbaro. Talo guud soo jeedin ardayda iyo waalindiinta iyo bahda waxbarashada: 1. Arday kuliyada aad rabto inaad u horaysiisataa ha ahaato mid adiga rabitaankaaga ka timid ka digtoonow laab lakaca iyo saaxiibkayba dhigta kuliyadaas oo ana waan baranayaa. 2. Waalidka aqoonta lihi waa inuu talo siiyaa ilmihiisa inta uu ku jiro dugsiga sare iyo hoosaba, taasi waxay ka caawin karta waxa uu rabo inuu noqdo mustabalka. 3. Macalin ardaygaaga ku dhiirigali maadada uu ku fiicanyahay iyo waxa uu ku fiicnaan karo inuu barto mustaqbalka.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 27
14. Iska illaali Dhawaaq Gudeedka Taban (inner negative voice): Codkani waxa uu kuula hadlaya hab aad adigu maqlayso uun, waxaana uu la doodayaa naftaada, isaga oo ka joojinaya dhamaan waxa danta u ah oo dhan. Sida oo kale codkani ma maqashaa cod kaa dhex hadlaya oo kaa joojinaya dhaam hawlaha wanaagsan? Ma ku faraa mararka qaar inaad iskaga fogaato ehelkaaga iyo asxaabtaadaba? Ma kuu sheegaa inaadan waxba qaban Karin oo aad daciif tahay? Ma dareentaa inaad ka duwan tahay dadka? Talaabo kasta oo aad isku daydo in aad qaado m ajiraa cod kaa joojinaya oo ku leh “ma qaban kartid? Ma iska saniftaa dadka qaar oo ma iska saartaa noloshaada iyaga oo aan waxba kugu samayn? Waa maxay dhawaaqan gudeedkan tabani? Dhawaaq gudeedka tabani waa cod gudeed, kaas oo ah mid ku lid ah oo burburinaya nafteena iyo horumarkeena, sidoo kale inagu diraya asxaabteena ama se dadka inagu xeeran. Codkani waxa uu ku samaysmaa maskaxda qofka, kaaso noqda hab fikir taban oo saamayn wayn ku yeelan kara noloshaada iyo hab dhaqankaagaba. Codkani waxa uu kuula hadlaya hab aad adigu maqlayso uun, waxaana uu la doodaa naftaada, isago joojiya waxa danta kuu ah, sidoo kale codkani qofka waxa uu ka dhigaa mid u dhaqma si taban oo wax walba ka arka dhanka xun, niyad jab, kalsooni daro, iyo hoosayn ayuu u sababaa codkani qofka uu haleelo. Maxaa sababa dhawaaq gudeedkan taban? Dhawaaq gudeedkan tabani maaha mid aynu ku dhalano se waxa sababa dhibaayooyin nololeed oo uu hore ula kulmay qofku markii uu yaraa, sida khilaafaad qoys oo uu illmaha yari ku so dhexbarbaaray, hadalo taban oo uu waalidku marwalba u adeegsan jiray ilmaha yar sida: (waxaad tahay doqon, waxba ma garanaysid, iwm), dhibaatooyin kan iyo kalmadahan khaldan ee inagaga iman kara xaga qoysku waxay qayb laxaad leh ka qaataan inuu qofka ku dhex samaysmo hab-fikirkan codka ah ee baabiiya mustaqbalka qofka, kaaso ku soobaxa wakhtiyada qaangaadhka. Mararka qaarkood waxa dhacda in qofkii uu soomaray nolol wanaagsan, si fiican loo soo koriyay, laakiin waxa layidha waxa dhacda inuu waynaanta ku soo baxo codkani, sababa la xidhiidha dhibaayinka sowajahay, sida dhaqaale daro, arimo guur ama jacayl uu ku guul daraystay oo isku buuq ku dhaliyay ama se fikir shaqo. Sidee ayuu codkani inoo saamayn karaa? Codkan gudeed waa cadaw gudeheena ku nool kaas oo saamaynkara dhinac kasta oo nolosheena ah, sida kalsoonideena, sidaynu nafteena u aragno, xidhiidhka aynu la samayno dadka inagu xeeran, shaqooyinkeena, waxbashadeena, iyo dhamaan yoolka aynu nolosha ka leenahayba. DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 28
Hab-fikirkan ama codkan tabani waxa uu hoos u dhigaa dareenkeena iyo aragtideena togan (wanaagsan) ee aynu nafteena iyo nolosheena ka qabno, waxaanu inagu hogaamiya iscanaanasho badan oo aan sixid lahayn, niyad jab, liidnimo, caajis, madax xanuun, baqasho, hoosayn, go’aan jilayc, joogtayn la’aan iyo aaminaad la’aan. Taaso sababta in aynu nolosha quus ka istaagno si kasta oo aynu u haysano fursado, waxa uu nolosha inaga tusaa dhinaca madaw. Waxyaabaha uu codkani dadka ugu sheekeeyo: Hadii aynu ka soo qaadano tusaalayaal guud kalmadaha uu codkani adeegsado waxa kamida: Waxba ma tihid, lama tartami kartid qayrkaa, awood u malihid inaad wax qabato, dadka lama mid tihid oo waad ka liidataa, culayska ku, culayska ku saran iskama cabin kartid, waligaa guulaysan maysid, waa lagu neceb yahay, cidna kuma rabto, waxba ha isku dayin hadii kale, qof xun ayaad tahay iyo iwm. Sidee la iskaga daawayn karaa dhawaaq gudeedkan taban? Dhib kasta oo ka jirta aduunyada Illahay (swt) waxa uu abuuray xalkeedii, ha ka warwarin waligaa in ay jirto dhib bilaa xal ahi. Si aad isaga daawayso, oo uga guulaysato codkan taban waxa aad u baahan tahay inaad qaadato talaabooyinkan, ku waaso ku anfici kara: 1. Faham micnaha guud ee nolosha: in aad fahamto macnaha ama u jeedada guud ee aduunyada laguu keenay waxay kaa caawinaysaa in aad noqoto qof aan u nuglayn waayaha aduun ee kugu xeeran, Samir, dulqaad iyo ficil wanaagsana ku wajaha, maadama ay noloshuba tahay mid aan lagu waarayn. Illahay (swt) ayaa quraankiisa ku yidhi: ‘kuwa iimaan ka laga helayoow kaalmaysta Samir iyo dulqaad illahay waxa uu la jiraa kuwa sabree’ Surat Al-baqra. 2. Codkani marka uu wax kaa joojinayo maaha mid kuu cadaynaya sababta, waxa uu adeegsadaa daliilo daciifa oo aad burburin kartid, markasata oo uu ku yidhaa waxa ma samayn kartid u sheeg naftaada ta togan (positive) ka ha, ku celceli waan qaban karaa, waan qaban karaa,
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 29
15. Hadii Aad Tahay Arday Raac Sharciyada Jaamacadaada Uyaala: Hadii aad tahay arday dhigta jaamacad amaba u socda, waxaa muhiim kuu ah inaad ogaato sharciyada guud ee jaamacada, jaamacad kastaaba waxay leedahay sharciyo u gaara ku waasi oo ay ku dhaqanto si loo dhawro, illaaliyo masuuliyadii ka saarnayd ardayga lagu qoro jaamacada. sharciyadani waxay ardayga ku hagaan inuu noqdo arday wanaagsan oo akhlaaq iyo asluub leh, waxay ardayga tusaan nolosha dhabta ah ee taala jaamacada, waxay ku kala duwan yihiin jaamacaduhu nooca sharci ee ay dejistaan, hadaba waxaan si guud u dul mari doonaa qaar kamida kuwa ugu muhiimsan ee loo baahan yahay arday inaad illaaliso. Illaali wakhtiga soo galintaan ka iyo ka bixi taan ka habeen kii ee sharciga jaamacada u yaala. Illaali sharciyada u dejisan libareeriga jaamacada, sida bakhtiinta moobaylada, buug dheeri ah oo aan lala galin, iyo wax kasta oo rabshaya ardayda wax akhrinaysa. Illaali shuruucda u dejisan maqaayada cuntada, oo ah tan inta badan ardaydu qaldaan sababtana in lagu eryo oo lagaga saaro jaamacadii. Illaali sharciyada u dejisan dhoormiyda (blocks) yada hurdada iyo illaalinta qalabka yaala, oo inta badan sababta in lagaa kafilo hadiiba aad dhawacdo, jabiso ama lumiso. Illaali xiliga galintaan ka galaaska, fasalka aad dhiganayso waayo way ka gedisan tahay xiligii aad ku gudo jirtay dugsigii sare iyo hoosaba. Waxayna sababi kartaa inaad ku dhacdo (incomplete). Kutalo gal oo dhawr dhaqamada qoomiyadaha kala gadisan ee aad isku qolka tihiin, kula dhaqan dabeecad wanaagsan si aad u badasho oo ay kuu jeclaadan, hadii aad lid ku noqoto waxay sababta in lagu eryo. Iska illaali inaad balwado yeelato, waayo tani waxay kuu horseedi doonta inaad ka hortimaad dhamaan sharciyadii u yaalay jaamcada, oo ay sababto in lagu cayrsho. Intaa iyo in kaloo badan ayaa lagu akhriyi maalinta aad gasho jaamacada, hadaba hadii aad tahay arday dhigta jaamacad ama u socda waxaan kugula talinayaa inaad dhawrto dhaqan kaaga iyo diintaada. Ha ku milmin dhaqamada kale, waayo waxa dhacda in ardaygu inta uu ku fikirayo inuu barto luuqadaha kale uu damco inuu ku dedaalo raacida dad aanu la dhaqan iyo diin ahayn, hadiiba aad marka hore caqiidadaadu xooganayn waxa dhacda in wixii kaa xaaraan ahaa kuu xalaalaado adoo tix galinaya asxaabta aad ku biirtay. Way dhacday oo arday badan ayaa ay ka xoog roonaatay mawjadii uu galay, deedna wax kastaa oo uu xumo u yaqaanay waxa u qaatay wanaag, wixii wanaagsanana wuxu u qaatay xumo. Si aadan taa ugu dhicin marka horeba ka taxdir, baro luuqad laakiin ha ku milmin. DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 30
16. Maansada Tiirikaalintaada: Maansadan waxa curiyay qoraaga buugan, Xaamud Xuseen Ducaale (ducaaleh), Xaamud runtii maaha abwaan laakiin waa dadka jecel inta badan dhiirigalinta waxbarashada iyo arimaha bulshada, maansadan waxa uu curiyay wakhtigii uu ku gudo jiray, waxbarashadiisii dugsiga sare 12/05/2012 G.c waxa uu ku tilmaamayaa kaalinta uu ardaygu ku leeyahay bulshadiisa, dalkiisa iyo diintiisaba, waxa uu dhiiri galinayaa ardayda ka baxaysa dugsiga sare ee u socota jaamacadaha in ay buuxiyaan kaalinta naftooda iyo waalid koodaba waxaanu yidhi:
Tiiri kaalintaada Anigoo tilmiidoo Tixda caan ku noqonoo Maansooyin badan tirin Tilmaantii abwaannimo Wali taashkeedii sidan Xafladeenan talo bixin Waxaa aan tabinayaa Tix ardayda ku socotoo Turjumaysa qiimaha Ay tacliintu leedahay -----Hor umar tisqaadiyo Tiigsiga hirkaa sare Tubta loomaraa waa Dugsigeeda tagidiyo Tiinbashada aqoontee Aan tayayno maandhow Talaabada dadaalkee Tusaalaha macalinkiyo Buugaba tixraacoo Ku tuntuunso qalinkana Tagitaanka jaamacad Turxaan bixinta nuxurkiyo Tifa tirida noloshiyo Cilmaad kala tagaysaa Hawlaha ku tacaluqa Markaad taa dhamayso Toos u qaado shahaadada Taag la isku geeyaa Dhasha tayo barwaaqee DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
Tamaarigu deegaankeena Ha ku taamo PHD Adiguna tiijaroow Tacliintaad dhamaysiyo Cilmigu ha tiriigtoo Taag iyo laxaad wayn Ha u taro dad waynaha Adna tusmada noloshiyo Hani wacan ku taabo Ehelkaa ku taakuli Maankaaga ku tayee Maamulkeenan toosani Tashi iyo aqoon buu Tiskaa sare ku gaadhee Tafaraaruq waa cudur Kala tuura xoogiyo Hawshii timaadee Tookh iyo qabiilkii Ma jiro tii dhargigiiye jahligii laga tagyoo dugsiyo tacliinluu xisbigu tayeeyoo markuu taabo qaaday tobankunoo aqoonloo Ms/Dgree ku tuntuunsada Talada inoo hayoo Waynu taabo qaadnee Toobiyaha aan raacnee Adiguna tilmiidoow Taageerdhankaaga. W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 31
17. Maansada Ardayohow Dugsiga dhigo. Maansadan waxay kamid tahay maansooyin ka dhiirigalinta ah ee qoraagu Uu alifay xiligii u ku gudo jiray waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe isagoo intabadan waano ahaan u akhrin jiray ardayda waxay soo baxaday 18/12/2010 Gc micnaha iyo muhiimadeeda iyada ayaad ka fahmi doontaa. Waxa uu yidhi:
Dugsiga dhigo Ma ogtahay dadwaynoow Dugsigiyo waxbarashadu In ay tahay darajo sare Dariiqii fahmada iyo Darka nolosha in ay tahay **** Da’ayartaa waxbarashiyo Dugsigayga dhigatana Mid dadaalayaa jira Mid duloobay baa jira **** Mid dadaalayaa jiroo Markastoo ladaalaba Dariiqaa waxbarashada Ku dadaalayaa jira **** Mid duloobay baa jiroo Daba orodka qaadkiyo Doon doon sigaar iyo Dibjirnimo ku faafoo Dareenkiisa raacshoo Hooy duloobay baa jira **** Labadaaba duuduub Sida daad u soodhaaf Ka danbee duloobaan Arday yahay udigayaa Oon dardaaran leeyahay Inanyohow dugsiga dhigo Hooyadii ku dihatiyo Aabihii dadaalkii Dibjiraayay dhaxantee Dusha kuugu rari jiray Waalid kaagii doorkee Dariskaa schoolkiyo DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
Kugu daray quraanka Darajay rabaane Adoon dayrin dhaqankaa Aqoon durugsan yeeloo Lafahaagana daryeeloo Abaalkiina dib u celi Aqoontaada daadihi Hasaawahana dib u dhigo Intaad da’yartahay wax baro **** Labadaasi doorkii Da’ayartii schoolkiyo Dugsigeena weeyaan **** Ruux waliba dadaalkiis Ayuu guusha dunidiyo Daaqsin uu ku gaadhaa Duulimaad ka dayixiyo Waxaa uu daruuraha Ruuxba darifka uga maray Dalmaroow aqoontiyo Daadihinta cilmigiyo Ogow waa duruustee Aqoonyahano dooroo Caqligoodu dihinyaa Inoo doora manhajkiyo Dawgaa baris barashada Ku darsoo dulqaadkiyo Diintiyo xishoodkana Rabaa ugu deeqoo Iyagoon ku doorayn Duruustay dhigayaan Daaha ay ka faydaan Ardaygii dareenkiyo Siiya daymo dhugashada Abidkii ma dayroo W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 1
Masii daayo dariskaa Isna ubadkii danbeetiyo Da’ayartii koraysaa Dib uga daxashoo Aayaha dalkoodiyo Danta wada jirkoodiyo Dadmidaysan keena **** Ku darsoo dadwaynoow Imisaa nin door ahaa Nabadiidku doorshoo Damiirkiisa dilayoo Cilmigoo ladiidiyo Digrigiyo cibaadada Dayacoo dulooboo Daleed aan nafluhu marin Geedaha dushoodiyo Dhaxamaha duryamayaan Jahli uu dugaashaday Dulmiga iyo madawgaa Ruuxii damiirlaa Damqanaaya maqalkee Waxa lagu dabiibee Lagu dabarjaraayaa Darkuu xisbigu dhigiyo Dadaalkaa waxbarashiyo Ogow dib u curasho weeyan **** Waxaan taa ku darayaa Maahmaah durugsan baa tiri Damalkii yaraan ku jabay Wuxuu daranyada la dhaco Darajo magaadhayee Waxaan uga danleeyahay U bad kaan lala dadaalini Dariiqa wanaagsan iyo Dhabada aan lagu duwin Ogow damiinbay noqdaan Dadnimo darif bay ka yihiin
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
Dugaagiyo kama duwana Duurjoog cidi daajinayn Ducadii hooyooyinkiyo Dardaarankii aabonimo Haduu waalidku dayaco Dariskiyo schoolkiyo Diin iyo quraan ku darin Dabadeedna daba galin In ay dayac noqonayaan Caruurtu dibad yaalayaan Dad yohow taa ma ogtihiin ***** Afartaa dardaaran iyo Digniin waxbarasho Han dabaalo maansade Hadii aan darjiidhay Ama deelku ilabaydhay Daa’imoow Allahayoow Adaa deeqsiyee Daymo naxariisleh Inagana duco ayaa inala gudboon Inaan ku deeqnaaye Aaminta igu dara Daa’in ha inoo aqbale Allahayoow waxaan darisniyo Diinta noo adkee Dariiqaan maraynaba Allahayoow adigu noodoor Allahayoow wax nadaariyo Dulmiga naga dhawr Ruuxii dulqaadlaa Samirku deeqaaye Inta deeqsigee Sunaha iyo diintiyo Salaadaha daryeesha Aaaaaaaaaaaaaaaaamiin.
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 2
18. Faahfaahin kooban oo ku saabsan qoraaga. Xaamud Xuseen Ducaale Maaha qoraa laakiin waa markii ugu horaysay ee uu qoro buug noocan ah, waa akhriyaa inta badan waxa uu akhristaa buugta nolosha iyo suugaan ta khusaysa, shakhsiyad ahaan waa qof degan, dad ladhaqan wanaagsan, xaamud waxa uu wax kusoo bartay magaalda wajaale dusiyadiisii dhexe iyo sareba, dugsiga saree ee magaalada jigjiga, waxaa u ka soo qalinjabiyey jaamacada Assosa University, gaar ahaan cilmiga khayraadka dabiiciga ah.
Faahfaahin dheerada: Xaamud Xuseen Ducaale (Ducaaleh) waa arday ka mid ah ardayda reer wajaale . Waxdhigashadiisii wuxuu ka bilaabay Tog-wajaale 1. Dugsiga hoose dhexe Tog-wajaale 2. Dugsigii Sare/ Dugsiyada/Tog-wajaale secondry iyo jigjiga high school 3. Jaamacadii Assosa University – “first degree” gaar ahaan cilmiga khyraadka dabiiciga ah (Natural Resource Management (NaRM). Shaqooyinkii: Macalinimo – mutadawacnimo ah tog-wajaale dugsiga hoose iyo kadhexaba Mutadawacnimo – arimaha danta guud isagoo ka qayb qaatay dhismaha dugsiga sare ee tog-wajaale waxaa uu ahaa gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee magaalada wajaale Waxaa uu ahaa xubin baarlamanka Magaalada Tog-wajaale Waxa uu ahaa aasaasayaashii ururka Wajaale Anti-Aids Club (WAAC) isagoo ahaa xoghaye guud iyo xubin aad u muhiim ah. Waxaa kaloo uu aasaasay naadiga akhriska ee dugsiga saree ee Tog-wajaale. Tixraac: 1. http://www.ehow.com/how_2039704_be-good-student.html 2. http://www.studygs.net/texred2.htm 3. Other google time management materials.
DHEEF BAAD KA HESHAAA W/Q: HAMUD HUSEIN DUALEH (DUCAALEH)
W/SOOJEEDIYAY PROF:ABDIRAHMAN AWMUUSE (AWLIYO) 2